Diyaaradaha Mareykanka oo duqeeyen Ceel-Cadde (Faah-Faahin)

0
1641

Wararka nagasoo gaarayo Degmada Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo aya tibaaxeyso in halkaasi aay ka dhacday weeraro culus oo aay gaaysteen diyaaradaha dagaalka ee drones-ka Mareykanka.

Wariyaha Humbale ee Gobolka Gedo oo la hadlay ilo-waredyo ku sugan degmadaasi Ceel-Cadde aya loo wariyay in dhaawaca shacabka uu yahay 3 balse aaysan jirin wax dhimasho ah dhinaca rayidka ah.

Dhinaca dagaal-yahanada Al-Shabab oo weerarka beegsigoda iyagu ahaa aya la xaqiijin karin inta qasaarahoda tahay balse lagu kalsoon yahay in aay jirto dhimasho & dhaawacba.

Diyaradaha aan duuliyaha laheyn ee Dowlada Mareykanka aya inta badan beegsato deeganada aay Al Shabab ka ag dhaw-yihin. Degmada Ceel-Cadde aya noqotay bartil-maamed aay shaaba-deystan dowladaha la dagaalanka argagixisada maadama aay gacanta ku haayan maleeshiyada Al Shabab.

Ceel-Cadde aya ku taalo Gobolka Gedo waxana degmo loo magacabay xiligi A.U.N Madaxweyne Abdullahi Yusuf in kasto walito aay muran ku jirto oo si buuxdo aan loo aqoonsaneyn. Waxa Ceel-Cadde lagu xasuusta weerarki aay Al Shabab ku laayen 215 askari oo katirsana Ciidanka Kenya ‘KDF’.

Maxamed Cabdiraxman 

Humbaale News 

Beledxawo, Gedo

Humbaale12@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here