Hogaamiye Kim Jong-un oo Shiinaha gaaray

0
544

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa markii saddexaad sannadkan gudahiisa booqanaya dalka Shiinaha.

Kim ayaa ka dagay magaalada Beijing booqashadiisa ayaana imanaysa toddobaad ka dib uun markii uu dalka Singapore kulanka kula la qaatay madaxweyne Trump.

Mar sii horraysayna Wasaaradda difaaca ee Kuuriyada Koonfureed ayaa xaqiijiyay in la baajiyay dhoolatus ay si wada jir ah u samayn lahaayeen milatarigooda iyo kuwa Maraykanka oo la qorsheeyay bisha Agoosto.

Hoggaamiyahaan ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo ku aadan sidii cunaqabeynta looga qaadi lahaa Kuuriyada Waqooyi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here