AKHRISO: Al-Shabaab oo War kasoo saaray Waxa jira in uu geeriyooday Hogaamiyahoodii Abu Cubayda

0
607

Ururka Al-Shabaab ayaa war kasoo saaray Wararka sheegaya in uu geeriyooday Hoggaamiyihii  Axmed Diiriye Abu Cubeyda.

War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu beeniyay Geeridda Abuu Cubeyda, waxaana ay sheegeen in uu nool yahay.

Warka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in wararkaasi ay faahfaahisay dowladda Soomaaliya,islamarkaana ay tahay wax kama jiraan.

Warbaahinta Kooxda Al-Shabaab oo warkaasi lagu daabacay ayaa sidoo kale lagu beeniyay warar kale oo sheegayay maalmihii lasoo dhaafay in uu xanuun la ildarna.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka sirdoonka Soomaaliya isla markaana ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo, ayaa VOA-Somali u sheegay in Axmed Diiriye uu u dhintay xanuun dhinaca kilyaha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here