Maxaa kasoo kordhay Xalada Deegaanka Tuka-raq

0
691

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno furimaha dagaalka Tukaraq ayaa sheegaya in xaaladda deegaanku ay aad u kacsan tahay laga cabsi qabo dagaal toos ah oo ka dhex qarxa ciidamada Puntland iyo Soomaaliland ee ku sugan deegaankaasi.

Ciidamada ayaa saaka lagu arkayaa furimaha dagaalka, waxaana saaka aroortii deegaanka laga maqlayey dhawaqa hubka culus oo la rumaysan yahay inuu ahaa tijaabo iyo hawaawi rid ay samaynayaan ciidamada Soomaaliland iyo Puntland.

Wali kama aysan hadlin Labada dhinac Xiisada Dib kaga soo cosboonaatay Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here