Dowladda Ethiopia oo shaacisay inay bilaabeyso Shidaal laga soo saarayo Is-maamulka Soomaalida

0
613

Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa shaaciyey in Ethiopia ay bilaabi doonto Khamiista soo saarista shidaal cayriin oo laga helay Gobolka Bariga, sida ay sheegtay warbaahinta Ethiopia.

Mr Abiy Ahmed wuxuu sheegay in baaritaanka, oo muddo dheer ka socday gobolka Soomaalida ee Ethiopia, ay ka soo baxeen natiijooyin wanaagsan. Shirkad Shiinaha laga leeyahay, Poly-GCL, ayaa mashruuca qaadatay oo hirgelisay.

Shirkaddu waxay billaabaysaa inay soo saarto 450 fuusto oo shidaal cayriin ah maalin kasta, waxaana la filayaa in intaas laga sii badiyo intaasi mustaqbalka dhow.

Ra’iisul Wasaare Abiy wuxuu sheegay in shaqada dhismaha dhuun shidaalka qaadda oo gaysa Jabuuti ay dhowaan billaaban doonto dhismaheeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here