Maqal:- Madaxweyne Farmaajo” Waxaanu bilaabanaya Wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland

0
577

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khubad ka jeediyey Garoonka Kubadda Cagta Banaadir stadium ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin Siyaasada,Amniga,wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbadiisa dhinacyo badan ay taabaneysa ayaa ku soo haal qaaday arrimaha Maamulka Soomaaliland oo aaminsan in Soomaaliya inteeda kale ay ka go’een.

“Runtii Soomaaliland waa dad walaalaheena ah,waxa muhiim ah in aan raadino si walba oo aan dib ugu soo celin karno,dowladda Soomaaliya waxa ay ku dadaaleysaa sidii loo bilaabi lahaa wadahadaladii Soomaaliya iyo Soomaaliland waliba aniga ayaa bilaabi doono ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhowr mar ayuu madaxweyne Farmaajo ku cel celiyey in dib loo bilaabo wahadaladadaas,balse Soomaaliland ayaan weli wax jawaab ah ka bixin,sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday xiisada deegaanka Tukaarq,waxa uuna ku baaqay markale in xiisadaas la qaboojiyo,isla markaana wax walba wahadal lagu dhameeyo.

Hoos Ka Dhageyso Khudbadii Madaxweyne Farmaajo ee uu dhinacyo badan uga hadlay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here