Ra’iisul Wasaare Abiye Axmed oo balan-qaadayadii uu sameeyay mid kamid ah fuliyey maanta (Ogow Muxuu Yahay)

0
665

Ra’isul wasaaraha Dowladda Federaalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa qaaday talaabo lidi ku ah maamulkii isaga ka horeeyay kadib markii uu shaqada ka eryay Saraakiisha gacanta ku hayay Xabsiyada Ethiopia oo horay looga dardaarmay.

Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa waraaq kasoo baxday Xafiiskiisa ku eryay 5 Sarkaal oo dowlada mas’uul uga ahaa Xabsiyada waaweyn ee magaalada Addis Ababa.

Abiy Axmed, ayaa Saraakiishaasi ku eedeeyay inay ku tunteen maxaabiista isla markaana seejiyeen daryeelka ay ugu tallo gashay dowlada.

Abiy Axmed, waxa uu sheegay in talaabada uu ku eryay Saraakiisha ay qeyb ka tahay ballanqaadyo uu sameeyay xiliga magacaabidiisa, waxa uuna ku goodiyay inay sii socon doonto xil ka qaadista kuwa ku sifoobay dhibaateynta shacabka.

Geesta kale, Abiy ayaa ka digay in lagu xadgudbo sharciyada dalka u degsan waxa uuna ku baaqay in la wanaajiyo dadka shacabka ah.

Dadka ku xiran Xabsiyada Itoobiya ayaa Maamulkii hore Waxaa uu ku hayay Dhibaata waxaana Dadka la iska Xiri xiray iyada oo aan wax maxkamad ah lasoo taagin.

Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka Qaarada Afrika ee Maxaabista ay kala kulmaan dhibaatooyin badan Waxaana Xiligan muuta in Xukumadda Cusub ee Itoobiya ay Isbadal Cusub la Imaneyso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here