Waa kuma Agaasimaha cusub ee wasaarada batroolka ??

0
1147

Wareegto kasoo baxday xafiiska Raisul Wasaraha Xukuumada Federalka Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre 13ki bisha May 2018 aya waxa lagu magacabay Agaasimaha cusub ee wasaarada Batroolka xukuumada Soomaliya waxana xilkasi loo magacabay Mudane Karar Doomey.

Agaasimaha cusub aya si rasmi ah xilka ula wareegay wuxuna maalinimadi shaley aheyd kaso dhex-muuqday shir looga hadlayay qorshaha shidaal baarista Soomaliya.

Mudane Karar Doomey aya ah shaqsi aqoon dheer u leh cilmiga petroleum wuxuna muddo dheer ku noola dalka Norway isaga oo kamid aha howl-wadeenada shirkadda gaaska ee Soma-oil.

Masuulkan ayaa ku cusub saaxada siyaasada dalka isaga oo wax eedeyn ah mise dhaliil aan la kulmin. Wuxu heyb ahan kaso jeeda Beesha Daarod / Mareexan / Reer Diini. 

Humbaale News

Humbaale12@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here