Guddiga Joogtada ah ee Qurbojoogta Beesha Reer Siyaad Ugaas oo cambaareysay Iimaan Cadoow.

0
1605

 

Waxaa shir dhinaca khadka telefoonka ah ku wada xariiray Gudfiga joogtada Beesha Reer Siyaad Ugaas ka dib markii ay arkeen falkii xumaa ee uu ku kacay gudoomiyaha degmada Garbahaareey Iimaan Cadoow isagoo u Hadley si ka baxsan hawsha loo igmaday farahana la galay arimo dhaawacaya sharafta Soomaalinimo ee dadka ku dhaqan degmada oo caan ku ahaa martisoorka iyo garab istaaga Qaranimada iyo Jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed.

Iimaan ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay kuna sheegay in uusan ogayn imaanshiyaha Jenaraal Cali Maxamed Bogmadoow ee degmada aana lala soo socodsiin, iimaan ayaa hilmaamay inuu yahay Gudoomiye Degmo ayna tahay inuu ogaado waxa shaqadiisa ah iyo wixii kale.

Guddiga Beesha Reer siyaad ayaa ugu baaqay waxgaradka degmada inay dib uga fiirsadaan sii haynta xilkiisa iyagoo taageero u muujiyay Bayaankii ay 42 Oday ku saxiixnaayeen ee kalsoonida lagala laabanayay Gudoomiyaha fashilmay.

Waxaa kaloo Guddiga joogtada ah uu codsaday in maalinta barri ah ay odayaashu qabtaan shir ay ku canbaaraynayaan hadalkii gefka ahaa ee kasoo yeeray Iimaan Caddoow.

Humbaale News.

Humbaale12@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here