XIldhibaan Faarax Cabdi Hassan & Xildhibaan Nadiifo Aw Faarax Jamac oo Lacag ugu deeqay Maktabadda Guud ee Garbaarey.I’m

0
760


Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka Faderalka Soomaaliya ayaa caawo Casho Sharaf u sameeyey Howl-wadeenada Maktbadda guud ee Garbaarey. Xildhibaanada ayaa bogaadiyey howsha Maktabadda Guud iyo dadaalka ey dhalinyarada sameysay si iskaa wax uqabsa ah.
Xildhibaan farax waxuuna ugu deeqey makatabada kirada guriga muddo lix bilood ah, taas oo ah 1800$. sidoo kale Xildhibaanad Nadiifo Aw Faarax Jaamac ayaa maktabada ugu deeqdey kirada 2 bilood ee ugu horeyso taas oo ah 600$, balan-qaadayna in ey uguntan doonto howsha Maktabadda. Xildhibaanada ayaa ugu baaqay Siyaasiyiinta iyo Wax-garadka ka soojeedo deegaanka in ay ka qayb-qaataan Maktabadda Guud ee Garbaharey.
Xildhibaanadan ayaa noqonayo xildhibaanadii ugu horeeyay ee ka qeyb qaato taabagalinta Maktabada guud ee garbaharrey.
Howl-wadeenada maktabada ayaa xildhibaanada oga mahceliyay dhiira galinta iyo taageerida ay usameyeen maktabada.
Humbaale News.

Humbaaale12@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here