DAAWO:- Taliyaha Booliska & Michael Keating Oo Lagu Soo Dhaweeyey Gaalkacyo

0
544

Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa gaarey Wafdi uu hoggaaminayey Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed  Bashiir Cabdi Maxamed(Ameeriko) iyo masuuliyiin kale.

Wafdiga ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating iyo Xubno kale,waxana gaalkacyo Si wada jira kusoo dhaweeyey masuuliyiin ka kala tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Wafdiga taliyaha Boolisk  iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxa ay booqan doonaan Xerada ay ku sugan yihiin Ciidamada isku dhafka ee loogu talo galay sugida amniga Gaalkacyo iyo Xarumo kale.

Sidoo kale waxa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Maamulka Magalada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland,qeybaha kala duwan ee Bulshada Magalada Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here