Al-Shabaab oo weeraray isku jira Qaraxyo & Mid toos ah ku qaaday Baar-sanguuni

0
509

Koox ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa saakay waabarigii hore waxa ay weerar saf balaaran ah ku qaadeen deegaanka Baar-sanguuni oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo, halkaasi oo bar ciidan ay ku leeyihiin ciidan isku jir ah oo dowladda FS iyo Jubbaland ka kala tirsan.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda Federaalka ayaa waxa uu beeniyay warka Al-Shabaab ee ah inay la wareegeen degaanka, wuxuuna tilmaamay inay ku guul dareysteen dagaalka, oo ay dib u laabteen.

Wuxuu sheegay inuu jiro khasaare labada dhinac ah balse hada aanan la xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah, wuxuuna intaas raaciyay inay gacanta ku hayaan fariisiinka uu dagaalka ka dhacay.

“Baar-sanguuni saakay waxaa soo weeraray nimankii Argagixisada ahaa, weerarka way ku guul dareysteen, dagaalka waa looga awood roonaaday, waxba kama jiraan lama wareegin degaanka, khasaare labada dhinac ah ayaa jira, degaanka ciidanka ayaa ku sugan.” Ayuu yiri sarkaalkan.

Al-Shabaab ayaa inta badan waxa ay weerarada qaadaan aroortii hore, xerada Baar-sanguuni bishii June ee sanadkan ayaa weerar Shabaab ay ku qaadeen waxa ay ku dileen askari Mareykan ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here