Dowladda Soomaaliya oo shaacisay tirada Al-shababkii ay Dileen Weerarkii Ay Ku Soo Qaadeen Baar Sanguuni

0
554

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland oo iskaashanaya ayaa howlgal ballaaran haatan ka wada deegaanka Baar-sanguuni iyo nawaaxigiisa,iyagoo ku raad jooga dagaalamayaal ka tirsan  Al-shabaab oo saaka arroornimadii hore weerar isku jira Qaraxyo toos ku qaaday fariisin ay ciidamadu ku lahaayeen halkaasi.

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Aadan Isxaaq Cali ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka oo ka feejignaa weerarka Al-shabaab ay halkaasi ku toogteen ilaa 87 ka tirsanaa Al-Shabaab ee weerarka  soo qaaday halka dhankooda ay ka geeriyoodeen 6 askari.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegay ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa Jubbaland oo qaaday weerar rogaal celis ah ay si buuxda ula wareegeen buundada caanka ah ee Araare,iyagoo ku raad jooga Alshabaab.

Al-Shabaab ayaa dhankooda waxa ay sheegeen in weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee saakey ku qaadeen Baar sanguuni ku dileyn 27 Askari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here