Jubbaland oo sheegtay inay howl gal ku dishay Saraakiil Al-Shabaab ahaa

0
558

 

Ciidanka Daraawiishta Maamulka Jubbaland ayaa hawlgal gaar ah ku burburiyay fariisin Ururka Al Shabaab ay ku lahaayeen meel ka mid ah degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale waxa ay ciidanka Jubbaland la wareegeen sanad ciidan oo Shabaab ay lahaayeen, sida ay xaqiijineen saraakiisha ciidanka Jubbaland.

Abaanduulaha Guutada Labaad ee ciidanka Daraawishta Jubbaland degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose Maxamed Axmed Xirsi ayaa waxa uu sheegay in hawlgalkan lagu dilay ilaa Lix nin oo Laba ka mid ah ay ahaayeen saraakill.

Taliye Xirsi ayaa saraakiisha laga dilay Shabaab magacyadooda wuxuu ku kala sheegay Suheyb oo loo yaqaanay (Khaalid) oo ahaa Dhaqtarka guud ee aagga galbeed ee gobolka Jubbada Hoose iyo Sarkaal kale oo lagu magacaabi jiray Shuceyb Aadan Cali oo Shabaabka ay u yaqaaneen (Warsame).

“Fariisin ay ku lahaayeen degmada Badhaadhe Ururuka Al Shabaab ayaan ku qaadnay weerar, Lix Shabaab ah oo laba ka mid ah ay ahaayeen saraakiil ayaan dilnay, Sahnad ciidan ayan kala wareegnay, sidoo kale ciidamada waxa ay nolosha ku qabteen Hal dagaalame.” Ayuu yiri Taliye Xirsi.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dhawaan amray ku bixiyay in ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland ay qaadaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, si looga saaro degaanada ay ku harsan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here