Duqeyn Ka Dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe & Warar  Ka Soo Baxeya

0
612

Duqeyntaan ayaa waxa ay dhacday shalay gelinkii dambe waxaana ay ka dhacday meel u dhow tuulada Qalimow oo 30km dhinaca Koofur ka xigta Magalada Jowhar ee Xarunta gobolka Shabeellaah dhexe.

Xillliga duqeynta dhaceysay ayaa dadka ku nool tuulada Qalimow waxa ay Warbaahinta Muqdisho u sheegeen in ay isaga baxeen Ururka Al-Shabaab oo shalay Gabaldhicii gudaha u galay ka dib markii ciidamada dowladda ka baxeen.

Dhawaaq culus ayaa la maqlay deegaanka Qalimow,waxaana dadka halkaasi ku sugan ay sheegen in jugta ay aheyd mid aan tuulada ka fogeyn balse aysan cadeyn Karin cida lala beegsaday iyo khasaaraha ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee ku sugan Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegeen in duqeyntaas lala beegsaday gaadiid ay wateen Al-Shabaabkii la wareegay Qalimow balse aysan cadeyn Karin khasaaraha lagu gaarsiiyey.

Weli lama cadeyn cida fulisay duqeyntaas,hasa yeeshe waxaa gobolada dalka qaarkood mar walba duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliya diyaarado Mareykan ah oo taageero siinaya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here