(Faaqidaad): Shaxda Imaaraadka Ee Khilaafkii DFS Iyo Jabuuti Kadib Iyo Shaxda Cusub Ee Ethiopia Iyo Eritrea !!!?

0
566

Dowladda Imaaraadka oo u sii maraysa Shirkadda DP Worldf waxay sannadihii 1990-aadkii bilaabeen uinay maalgashi ballaaran ku yeeshaan Geeska Afrika, iyagoo Deked Weyn ka abuuray dalka Jabuuti iyo inay mid kale kala shaqeeyaan Is-maamul-gobaleedka Somaliland oo iyagu sheegta inay ka go’een dalka Somalia.

Laakiin, Xiisadaha haatan ka dhex taagan Dowladda Imaaradaka  iyo Dowladaha Somalia iyo Jabuuti waqti badan kuma qaadanin Imaaraadka inay Heshiis la galaan Ethiopia iyo Eritrea, si ay galangal xooggan ugu yeeshaan Mandiqadda Geeska Afrika.

Dowladda Imaaraadka ayaa u muuqata inay dharbaaxo aan toos ah la heshay Jabuuti waxay doonaysaa in Badeecadaha Ethiopia uga soo dega Dekeddaha Jabuuti loo wareejiyo Dekeddaha Asmara iyo Musawac ee dalka Eritrea.

Ethiopia oo ay ku nool yihiin in ka badan 100 million oo qof waxay 95% ganacsi la leeyihiin Jabuuti, halkaasi oo ay ka soo degaan Badeecadaha ay u baahan yihiin dadka Ethiopia.

Xiriirka noocaasi ayaa u muuqda mid daaqada ka bixi doona, maadaama ay Ethiopia la heshiisay Eritrea oo ay horey uga dhexeysay caddowtooyo gaamurtay.

Laakiinse, Heshiiska Nabadda ee uu bilaabay Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed waxay inta badan Ganacsiga ka soo gudbi doonaan Eritrea, halkii ay horey Jabuuti u soo mari jireen.

Madaxda dalalka Ethiopia iyo Eritrea oo dhawaan ka heshiiyey Colaadii dhex martay 20-sanno ka hor waxay shalay si wadajir ah booqasho ugu tageen dalka Imaaraadka, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey, laguna  abaal mariyey Billad Sharafta Nabadda.

Dhaxal-sugaha Imaaradda Abu Dhabi, Sheekh Maxamed Bin Zaayid Al-nahyaani waxa uu shalay la kulmay RW Abiy Axmed iyo Madaxweyne Efewerki, wuxuuna ku bogaadiyey Heshiiska Nabadda ee Taariikhiga ee ay Ethiopia iyo Eritrea wada gaareen.

War-murtiyeed saddex geesood ah ayaana laga soo saaray Shirkaasi kadib waxaa lagu muujiyey xiriirkii dheeraa ee u dhexeeyey Imaaraadka, Ethiopia, Eritrea iyo Danaha saddexdooda Waddan.

Madaxda Ethiopia iyo Eritrea waxay bogaadiyeen doorka Imaaraadka Carabta ka ciyaartay Heshiiska ay wada gaareen.

Dowladda Imaaraadka waxay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay  taageertay Dadaalka Nabadda ee Ethiopia iyo Eritrea.

Bihsii June ee la soo dhaafay, Imaaraada waxay Ethiopia siiysay Kharaj dhan 3 Billion oo Dollar oo isugu jirta Kaalmo iyo Maalgashi, waxayna Tallaabadaasi astaan u tahay Taageeradda xooggan ee ay Imaaraadka u hayaan RW cusub ee Ethiopia, Abiy Ahmed.

Shirkadda DP World ee Imaaraadka waxay galangal ugu jirtaa sidii ay isugu ballaarin lahayd Dekeddaha ku yaalla Somalia ilaa Sudan, waxayna DP World qorsheynaysaa inay 10 ilaa 12 Dekedooda ka hirgeliso dalalka Bariga Afrika ee kaabiga ku haya Badda Cas.

Markaynu u soo daadegno Danaha Imaaaradka ee Ethiopia iyo Eritrea kadib, Khilaafkii Somalia iyo Jabuuti kadib, waxaa hubanti ah in Heshiiskii Dhaxal-sugaha Amiirka Abu Dhabi la gaaray Madaxda Ethiopia iyo Eritrea inay taasi dhabaha u furayso in ay Ethiopia Hawlaha Ganacsiga u adeegsan karaan Badda Eritrea, taasi oo ah Tallaabo lagu doonayo in lagu naafeeyo Kaalinta Jabuuti ee Wax-is-dhaafsiga Badeecadaha ee ay haatan udubka u tahay Badeecadaha laga isticmaalo Bariga Afrika.

Dowladda Imaaraadka waxay kaloo ku haminaysaa inay Ethiopia iyo Eritrea ifiyaan Xiisadda kala dhexeeya Dowladaha Somalia iyo Jabuuti iyo in maalgashigaasi sii hurin karaan  colaadaha haatan ka socda gudaha Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here