Maraykanka Oo Dib Loogu Celinayo Haraaga Maydadka Askartii Looga Dilay Dagaalkii Kuurya Waqooyi (Ogow Xiliga)

0
545

100 Naxash oo ay ku jiraan haraagga maydadkaasi ayaa la filyaa in berrito laga qado Waqooyiga Kuurya, si loogu celiyo dalka Maraykanka.

Wakaalladda Wararka Koonfurta Kuurya ee YONHAP ayaa Baahisay inay ilo Diplomaasi u xaqiijiyen inay Dowladda Kuuriyada Waqooyi oggolaatay in sanaadiiqda maydadka Haraadiga Askartii Maraykanka dib loogu celiyo Maraykanka.

Diyaarad xamuul oo ay milliteriga Maraykanka leeyihiin ayaa la filayaa inay ka degto Saldhig Milliteri oo ku yaalla magaalladda WOTISON ee Waqooyi bari ee dalka Waqooyiga Kuurya, si ay u soo qaadaan 100-ka Naxash ee lagu soo riday maydadkaasi.

Dib-u-celinta Haraadiga maydadka Askartii Maraykanka ee lagu dilay Dagaalkii  Kuurya ee sannadihii 1950-kii ilaa 1953-kii ayaa waxa uu ka mid ahaa Heshiiskii ay Madaxweyne Trump iyo Hoggaamiyaha  Kuuriyada Waqooyi , Kim Jong Un Shirkii ay dalka Singapore ku yeesheen bishii June 12=dii ee sannadkan.

Dib-u-celinta Haraadiga Meedka Askartii mareykanka ayaa Waxaa ay Muujineysa in Kuuriyada Waqooyi Xiligan ay Diyaar u tahay in uu Hagaago Xariirka Kala dhaxeeya Mareykanka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here