Madaxweynayaasha Dalalka Kenya iyo Jabuuti oo booqanaya Dalka Eritrea (Ogow Sababta)

0
567

Magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea waxaa dhawaan booqasho ku tagaya Madaxweynayaasha dalalka Jabuuti iyo Kenya, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Uhuru Kenyatta.

Waxaa safarka Asmara ku horeyn doona Madaxweynaha dalka Jabuuti, iyada oo uu xigi doono Madaxweynaha Kenya, labadooda waxa ay halkaasi ku tagayaan booqasho maalmo qaadan doonta.

Magaalada Asmara waxaa dhawaan booqasho ku tagay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed Ali oo heshiis taariikhi ah la soo galay madaxda dalkaasi, sidoo kale Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo aya shalay soo gaba gabeeyay booqasho uu ku joogay dalkaasi.

Sida muuqata dowladda Eritrea ayaa ku dadaaleysa sidii ay xiriirka diblomaasiyadeed ee dalalka deriska ah u soo celin lahayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here