Magaalada Jigjiga Oo la Qabsaday iyo Cabdi iley oo lala’yahay (DAAWO)

0
835

Wararka ka imaanaya Magaalada Jigjiga ee dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in saaka Ciidamada Militariga Itoobiya ay buux dhaafiyeen bartamaha Magaalada Jigjiga.

Arrintan waxa ay ka dambeysay kadib markii uu fashilmay kulan dowladda dhexe ee Itoobiya ugu yeertay Addis Ababa Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Cabdi Iley.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in xiriirka Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya iyo dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya uusan wanaagsaneyn islamarkaana xubno ka mid ah Ismaamulka Soomaalida laga maqlay in ay xiriirka u jarayaan dowladda Federaalka ee Itoobiya.

Bogagga Twitter-ka ee Dadka Itoobiya gaar ahaan Soomaalida ayaa lagu sheegayaa hadal laga soo xigtay Raxmo Maxamuud Haybe oo ka mid ah Golaha Wasiirrada dowlad degaanka kaas oo ay ku sheegtay in illaa hadda aan la ogeyn halka uu ku sugan yahay Cabdi Maxamuud Cumar,iyada oo wararka qaar ay sheegayaan in Xabsi Guri yahay inkasta oo aan la xaqiijin warkaas.

Sawirro laga qaaday Bartamaha Jigjiga ayaa lagu arkayaa gaadiidka Uraalka loo yaqaan ee ay Caanka ku yihiin Militariga Itoobiya oo ay saaran yihiin Ciidamada oo saaka dhexmaraya Magaalada Jigjiga.

Waxaa jira sidoo kale guluf xoog leh oo ka dhan ah Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya oo ay wadaan dadka degaanka kuwaas oo doonaya in isbeddelka ka hana qaaday Itoobiya inteeda kale uu gaaro dowlad degaanka Soomaalida.

dhanka kale qaar ka mid ah Masuuliyiinta Dowladda Deegaanka Soomaalida oo Shir jara’iid ku qabtay Jig jiga ayaa sheegay in Ciidamada Oromada ay Xoog kula Wareegeen Xafiisyada Maamulka DDSI.

Wixii soo kordha halkan kala socda 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here