Al-Shabaab oo Xarar-dheere ku xiray Haweenkii Ugu Badnaa 

0
519

Ururka Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe waxa ay xabsiga dhigeen Afar haween ah oo sida la sheegay diiday in caruurtooda ay Al Shabaab ku wareejiyaan, Kooxda Shabaab ayaa horey dadka degaanka uga dalbaday inay caruurtooday ay keenaan si dagaalada ay uga qeyb qaataan.

Haweenkan ayaa waxaa la sheegay in caruurtooda ay si dhuumaaleysi ah ku saareen gaadiid oo ay u direen degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Qof ku sugan Degmada Xarar-dheere ayaa waxa uu sheegay in haweenkan laga soo xiray tuulada Caliyaale oo u dhaw degmada Xarar-dheere, islamarkaana hada ay ku jiraan gacanta xabsi ay maamulaan Shabaab.

Odayaasha degaanka ayaa waxa ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan inay ku soo daayaan hooyooyinkan ay xireen Al-Shabaab, kuwaasi oo lagu heysto inay caruurtooda u diidaan ku biirista Al-shabab.

Ururka Al Shabaab ayaa mudooyinkii dambe waxa ay cadaadis ku hayeen dadka degan degmada Xarar-dheere iyo degaanada u dhaw, halkaasi oo bil ka hor ay ku dagaalameen Al-Shabab iyo dadka degaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here