DAAWO:- Sarkaal Ka Tirsanaa Al-Shabaab oo Isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya & Fariin uu diray

0
465

C/raxamaan Xuseen Wardheere oo Al-shabaab ay ugu yeeri jireen Bilaal, ayaa maanta warbaahinta Qaranka u sheegay in uu ka baxay Ururka Al-shabaab oo sida uu sheegay muddo 12 sano uu kamid ahaa.

Waxa uu  dowladda Soomaaliya ugu mahadceliyay sida loo soo dhaweeyay, waxaana uu ka sheekeeyay siddii uu uga soo baxay  Ururka Al-shabaab oo uu mudo ka tirsanaa.

C/raxamaan Bilal, ayaa sheegay in farqi weyn uusan u dhexeynin Al-shabaab iyo daacish, hase yeeshee waxaa ay isku hayaan ay tahay xukun iyo maamul.

Cafiska Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo uu u fididyey Alshabaab ayaa u suurtagelisay C/raxamaan Xuseen Wardheere Bilal iyo inta lamidka ah ee go’aansatay ka bixitaanka Alshabaab.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here