DFS Oo Ka Hadashay Khilaafka Sacuudiga Iyo Canada + [Dhinaca Ay Taageertay]

0
533

Dowladda F Soomaaliya ayaa Qoraal ka soo baxay waxaa ay markii ugu horreysay kaga hadashay khilaafka u dhaxeeya dowladdaha Sacuudiga iyo Canada

War-Saxaafadeedka oo ku qornaa Luuqada Carabiga ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay adkeyneyso taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay xaaladihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay xiriirka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Canada.

Iyadoo laga ambaqaadaayo arrinkani, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha, iyadoo la tixgelinayo mabda’a aan oggolaanayn faragelin ee lagu caddeeyay Axdiga Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto gobonnimadeeda iyo madax bannaanida go’aan gaariddeeda iyo waxa ay jideyso oo ah siyaasado ama habab garsooreed oo xiriir la leh shuruucdeeda qaran.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay rajeyneysaa Riyadh iyo Ottawa inay ka gudbaan khilaafaadkooda si xiriirkoodu u sii socdo oo saldhig u ah kalsooni iyo xushmad is dhaafsi.

Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay xiriir wanaagsan la leedahay dowladaha Canada iyo Sacuudiga,waxana la ogeyn waxa ay dowladda Canada ka yeeli doonto hadalka ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here