Sacuudiga Oo Cadeeyey Sababta Uu U Soo Celiyey Xoolo Laga Dhoofiyey Somalia

0
503

Dhawaan dowladda Sacuudiga waxaa ay dalkeeda ka soo celisay markab siday Xoolo farabadan  oo laga dhoofiyey Dekada Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bsri,waxaana dowladda Sacuudiga csdeysay sababtii ay u soo celisay Xoolahaas.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Deegaanka, Dhirta iyo Biyaha Sacuudiga ayaa waxaa lagu sheegay in xoolahaas lagu sameeyey baaritaano,isla markaana la ogaaday in ay qabaan cudurka ku dhaca xoolaha ee loo yaqaano (Rift Valler).

27,000 oo neef ari ahaa ayaa baaritaano ka dib ay dowladda Sacuudiga Go’aansatay in dib loogu soo celiyo Soomaaliya,iyada oo lagu wado in marlab sida  uu soo gaaro dekada Magalada Boosaaso.

Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin tallaanada Sacuudiga uu dalkiisa uga soo celiyey Markab siday xoolo farabadan oo laga dhoofiyey Soomaaliya.

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2018/08/

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here