Sawirro:-Wasiirka Arrimaha Dibada Oo La Kulmay Safiirka Shiinaha U Qaabilsan Soomaaliya

0
508

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Safirka  Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Mudane Qin Jian. Intii ay ku guda jireen kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen arrimo ku saabsan xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya laba dal si gaar ah siyaasadda, amniga iyo horumarinta dhaqaallaha.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Siciid Xaaji Maxamuud iyo Agaasimaha Waaxda Eeshiya Mudane Shirwac Cabdullaahi Ibraahim.

o:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here