Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Qorsheyan Ka Wada Deegaano Ku Teedsan Wabiga Shabeelle

0
485

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay holwgallo qorsheysan ka wadaan tuulooyin hareeraha ka ah Wabiga Shabeelle ee mara Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamadaan oo ka soo kala ruqaansaday degmooyinka Balcad iyo Afgooye ayaa la sheegay in ay howlgalka ka wadaan inta u dhaxeysa Wadada ka baxda Daaru Salaam ee degmada Yaaqshiid ilaa degmada Balcad.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogag dalka Soomaaliya ayaa sheegay in deegaanada ay howlgalka ka wadaan kala wareegeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa ka dib markii ay ka warheleen.

Tuulooyinka howlgalka uu ka socdo ayaa ku yaalla inta u dhaxeysa Balcad iyo Magalada Muqdisho markii looga soo tallaabo Wabiga dhanka Magalada Muqdisho.

Tuulooyin hoostaga degmada balcad sida Basro, Daniga-Baalow iyo Buul-Kuunto ayaa waxaa dhawaan weerar qorsheysan ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ay wehlinayeen Ciidamo Mareykan ah waloow markii ay ka soo baxeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here