SAWIRRO: Dowladda  Itoobiya oo Gacanta ku dhigtay hub iyo Waxyaabaha Qarxa

0
493

Sarakiisha Booliska dowlad degaanka Tigreedda ee dalka Itoobiya ayaa Warbaahinta  in ay qabteen hub iyo Waxyaabaha Qarxa oo la doonaayay in lasoo galiyo Gudaha dowlad degaanka.

Waxa ay sheegeen Ciidamada Booliska in qaar ka mid ah dadka degaanka ay soo sheegeen in Qaraxyo hub loo soo waddo Caasimadda dowlad degaanka Tigreedda.

Tirada walxaha qarxa ee la qabtay waxaa ay gaareysaa 425 xabbo oo qaraxyo ah,kuwaas oo uu culeyskooda gaarayo 75KG.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska Tigreedda ayaa sheegay in ay ku wareejiyeen Ciidamada Booliska Federaalka ee Itoobiya, dadkii watay hubkaasi, islamarkaana hadda lagu waddo Baaritaano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here