AKHRISO:- Daacish oo ganacsatada iyo shirkadaha Boosaaso ku amartay inay bixiyaan lacago badan 

0
507

Qaar ka mid ah Ganacsato kunool Magaalada Boosaso ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Kooxda Daacish ay kusoo rogtay lacago badan in ay bixiyaan.

Qaar ka mid ah Ganacsatadda ayaa sheegay Daacish ay ku amartay bixinta Lacagahaasi cidii diidana ay sheegtay in ay ka qaadi doonto tilaabo.

Lacagaha ayaa lagu soo rogay Ganacsatadda Iska leh Goobaha Ganacsiyadda Magaalada Boosaaso, Sidda, Dukuumadda, Bakaaradda, iyo Shirkaddaha.

Daacishta Soomaaliya xoogooda waxa ay ku sugan yihiin degaanada Maamulka Puntland, gaar ahaan Gobolka Bari iyaga oo ku dhuumaleysta dhulka Buuraha Silsilda Goolis.

Waxa ay sheegeen ganacsatada qaar inaysan awoodin bixinta qarashaadka badan ee ay soo dalbadeen Daacish, taasi oo joogto noqon doonta bil kasta, waxayna ka muujiyeen ganacsatada arrintaasi walaac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here