Dowladda FS Oo Sheegay In Ay Dileen Saraakiil Ka Tirsan Al-Shabaab

0
469

Saacadihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya waxa ay howlgallo qorsheyan ka fuliyen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, waxana saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen in ay dileen Saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab.

Deegaanada laga fuliyay howlgalka ayaa waxaa ka mid ah Muuse xaaji iyo deegaanka Araare oo Al-shabaab ay ku lahayeen saldhigyo Waaweyn oo ay ka soo weerar tegi jireen.

Abaandullaha qeybta 43Aad ee ciidanka xoogga dalka G/sare Maxamed Buule oo ayaa sheegay in howlgaladan ay ciidamadu xoogga dalka ka fuliyeen degaanada Araare iyo Muuse Xaaji lagu dilay Afar Sarkaal iyo 7 ka mid ahaa ilaaladiisa.

G/sare Maxamed Buule ayaa intaa Ku daray in gacanta lagu dhigay labo ka mid ah gaadiidkii dagaalka ee ay isticmaalayeen Al-shabaab , iyagoo burburiyay Saldhigyadii halkaas ay ku lahaayeen sida uu hadalka u dhigay.

Deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa dhowr mar waxaa weeraro ka geystay Al-Shabaab,iyaga oo sheegay in weeraradaas ay ku dileen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here