Ciidamada AMISOM Oo Bilaabay Ka Bixitaanka Garoonka Weyn Ee Stadium Muqdisho

0
702
18/09/2011 - Mogadishu, Somalia - Commander of UPDF Land Forces Lieutenant General Edward Katumba Wamala addresses soldiers of the 7th Batallion in the Somali National Stadium, Mogadishu. The stadium was previously the base for al-Shabaab until their withdrawal from the capital on August 6th 2011. The Commander congratulated the soldiers on their success but warned them to remain vigilant in the coming months.

Howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa soo dhoweeyay tallaabada ay Ciidankoodu ugu saarayaan Garoonka weyn ee Stadium Muqdisho.

Ergeyga gaarka ah ee  Midowga Afrika u jooga Soomaaliya Amb, Francisco Madeira, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ku sheegay inuu ammaanayo qorshaha lagu banneynayo Garoonka, isagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin in uu dib ugu laabto Gacanta Soomaaliyeed.

Ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa billaabay Sacadihii la soo dhaafay in ay ka guuraan Garoonka Stadium Muqdisho, kaas oo muddo ka badan 10 Sano fariisin u ahaa.

Garoonka ayaa la dhisay Sanaddii 1978-dii, kaas oo lagu qabsan jiray in badan oo ka mid ah ciyaaraha Sportiga sida Kubbadda Cagta, Kolayga, Miiska, Dabaasha iyo kuwo kale oo badan, iyadoo sidoo kalena ahayd goob muhiim u ah isu imaatinka Bulshada xilliyada ay jiraan Munaasabadaha.

Stadium Muqdisho ayaa soo maray marxalado kala duwan oo ay sababeen dagaalladii sokeeye ee Dalka ka dhacay, waxaana tallaabadan ay kaga baxayaan Ciidanka AMISOM aad ugu riyaaqay bahda Sportiga iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here