DAAWO: Amiirka Dalka Qatar oo $15-Bilyan oo Dollar ugu deeqay Turkiga oo dagaal dhaqaale Wajahday iyo Siduu u garab istaagay

0
491

Sheekh Tamim Bin Hamad al-Thani Amiirka dalka Qatar ayaa ku dhuwaaqay in ay bar bar taagan yihiin walaalahooda Turkiga, isaga oo ku dhawaaqay maalgashi dhan $ 15-Biyan oo ay ku sameynayaan Suuqyada iyo Bankiyada dalka Turkiga.

Amiirka Tanim ayaa arintan uga dhawaaqay kulan magaalada Ankara uu kula yeeshay madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan.

Turkiga ayaa hadda wajahaya go’doomin dhaqaale kaddib xiisad adag oo soo kala dhax-gashay iyaga iyo dowladda Mareykanka.

Amiir Qatar ayaa noqonaya mas’uulkii ugu horeeyay ee booqday caasimada dalka Turkiga ee Ankara tan iyo markii uu soo ifbaxay qalalaasaha dhaqaale ee u dhaxeeya dowladdaha Mareykanka iyo Turkiga.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood Qatar iyo Turkiga.

Maamul Gashiga ay Qadar ku Sameysaneyso ayaa qeyb ka qaadan doonta Ku bac Daqaale oo ku yimaada Dalka Turkiga iyo in ay qiima leelato Lacagta Turkiga.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here