Madaxweynaha Galmudug  Oo Kulan La Qaatay Maamulka Iyo Saraakiisha Amniga Gaalkacyo

0
490

Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa Maanta waxaa lagu soo dhaweeyey Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa maalmahaan ku sugnaa Magalada Muqdisho,waxaana maanta markii uu gaarey Gaalkacyo soo dhaweeyey Mamulka degmada Gaalkacyo,Saraakiisha Ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magalada Gaalkacyo.

Soo dhaweyn kadib Madaxweyne Xaaf ayaa kulan looga hadlayay amniga waxa uu la qaatay maamulka dagmada iyo saraakiisha laamaha amniga,iyaga oo siweyn uga wada hadlay sidii loo sii adkeyn lahaa Amniga Gaalkacyo oo haatan ah mid aad u wanaagsan.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Waxgaradka degmada,iyaga oo isku raacay dhamaan madaxdii shirkaasi ka qeyb gashay in laga wada Shaqeeyo dhinacyada horumarka iyo Nabad Galyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here