Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Amar Dul-Dhigay Maxkamadaha Dalka (Muxuu Yahay)

0
533

Ra’iisul Wasaaraha Xukumamadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shir gudoomiyey kulankaan oo ay ka qayb galeen Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashe Yusuf Ahmed , madaxda laamaha Cadaaladda , Garsoorka iyo Booliska, waxaana looga dooday Hirgalinta Hanaanka ku dhisan cadaaladda iyo dar-dar galinta  fulinta go’aanadda maxkmadda oo ay u xilsaaran yihiin ciidanka Booliska, si loo  xoojiiyo  kalsoonida Bulshada ay ku qabto Garsoorka.

Kulankaan oo ka qabsomay xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa dhamaan xubnihii ka qayb galay waxey isku raaceen in ay muhiim tahay in wax  laga badalo qaabka hada ay u shaqeeyaan Garsoorka iyo Booliska oo ah  fuliyeyaasha Go”aanadda.

Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay in shirkaasi looga hadlay sidii la isku waafajin lahaa Garsoorka,Cadaalada iyo fulinta,si dib loogu soo celiyo kalsoonidii Shacabka.

Waxa uu sheegay in Ra’iisul Wasaare kheyre Maxkamada ku amray in ay si de deg ah u fuliyaan Go’aanada ka soo baxa,isla markaana la raadiyo kalsoonida Shacabka oo mar walba ka cabanaya dhinaca Garsoorka.

Waxaa kaloo uu shegay in la isku raacay in bil walba la soo bandhigo waxyaabihii wanaagsanaa ee qabsoomay iyo qalalaadkii dhacay si xal looga gaaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here