Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Al-Shabaab hubaysan 

0
631

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay dad badan oo ay ku tuhmayaan inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab oo qaarkood hubaysana.

Kadib hawlgal Ciidamada ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad oo muddooyinkii dambe Al-Shabaab weeraro kala duwan halkaasi ay ka fulinayeen.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Siyaasadda ee maamulka Degmada Balcad Abukar Aadan Codey ayaa Warbaahinta u sheegay  in ciidanka Xoogga dalka ay gacanta ku dhigeen raggan iyaga oo hubeysan, loona soo qaaday dhanka magaalada Muqdisho.

Waxaa uu tilmaamay in hawlgalkan ay sameeyeen Ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka Hishabelle iyaga oo gacan ka helayay Amisom.

Waxaa uu intaasi raaciyay in hawlgalka laga sii wadi doono wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar inta uu amnigeeda uu nadiif ka noqonayo.

“ Ciidamada waxaa ay sameeyeen hawlgal weyn oo lagu xaqiijinayo wadada u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar Meel walba waxaa jooga Ciidamada, howlgalkan waxaa lagu soo qabtay 20 qof oo ka tirsan Alshabaab waxaana loo gudbiyay Magaalada Muqdisho.”Ayuu yiri Gudoomiye Ku xigeenka.

Wadada u dhaxeysa Balacad iyo Jowhar ayaa ah amnigeeda mid aad u xumaa bilihii la soo dhaafay waxaa ayna Shabaab wadada ugaleen gaadiidka dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Hieshabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here