Madaxweyne Farmaajo Oo Soo Gaba Gabeeyey Booqasho Uu Ku Joogay Dalka Turkiga

0
494

Madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahaan ku sugnaa Magalada Ankara ee dalka tukiga ayaa Maanta soo gaba gabeynaya booqashadiisa,isaga oo ku soo wajahan Magalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa  ka qeyb galay kullanka Lixaad oo ay yeesheen golaha wakiillada ee Xisbiga haatan talada Dalkaasi haya  ee AK Part, shirkaas oo dhacay  18-kii Bishaan,waxana ka hor turkiga uu sidoo kale tegay dalka Jabuuti oo uu kulan la qaatay Madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle six al looga gaaro mad madow soo kala dhex galay labada Wada nee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay Ankara kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,iyaga oo ka wada hadlay xaalada dalka iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha xilligaan ka jira dalka.

Qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo ayaa laga dareemayaa Magalada Muqdisho,waxaana aad loo adkeeyey amniga Wadada ka baxda Madaxtooyada ee aada dhinaca Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here