WAR CUSUB:- Somaliland oo ku dhawaaqday in ay diyaar u tahay in ay la midowdo Soomaaliya hadii Hal Shuruud la helo+MUUQAAL

0
564

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay suuragal tahay in ay dib u midoobaan labadii Goboladii isu tagay lixdankii,kuwaas oo markii dambe qeybta waqooyi ay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale inkasta oo aanay aqoonsi helin.

Ergeyga Somaliland u qaabilsan wadahadalka dowladda Federaalka ah   Adna Aadan Ismaaciil ayaa sheegtay in ay suuragaltahay in ay dib u midoobaan labada dhinac haddii sida ay sheegtay laga arko dowladda Federaalka ah.

” Somaliland diyaar bay u tahay inay dib ula midowdo Soomaaliya haddii ay Soomaaliya ka dhalato “Dowlad waxtar leh.” ayeey tiri Dr. Adna Aadan Ismaaciil

Adna ayaa sheegtay in Somaliland ay in ay ka tanasusho gooni isu taagga haddii Soomaaliya inteeda kale ay ka dhalato dowlad ay shacabka doortaan islamarkaana garawshiyo ka bixisa tabashada Somaliland.

Wadahadallada Dowladda Federaalka ah iyo Somaliland ayaa lagu wadaa in ay dhawaan ka billowdaan Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya.

Dowladaha Holland iyo Denmark ayaa gadaal ka riixaya wadahadal deg deg ah oo ay yeeshaan labada dhinaca,waxaana danjirayaasha labada dal ee Kenya ayaa wadahadal kula yeeshay mas’uuliyiin ka kala socda labada dhinac.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here