Xog: Musharaxa ugu cadcad doorashada Madaxweyne Ku Xigenka Galmudug

0
440

Taarikhdu marki aay ku beegneyd 18kii September 2018 ayeey aheyd marki 142 Xildhibaan oo katirsan Baarlamanka Galmudug aay kalsoonida kala noqdeen Madaxweyne Ku Xigenkii hore ee maamulkas Mudane Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey). 

Waxa sido kale Baarlamanka Galmudug oo fadhigoda yahay Dhuusamareb aay xilka ka qaaden Guddomiyihi Baarlamanka Cali Gacal Casir waxana xilkasi loo doortay Sh Ismacil Cabdulle Axmed. 

Malinimadii arbacada Baarlamanka Galmudug waxa aay iska soo xuleen guddiga doorashada Madaxweyne Ku Xigenka Galmudug. 

Humbaale.com oo baaris dheer sameysay ayaa ogaatay in musharaxa aay wataan culummada Ahlusunna, isla markaasina kalsoonida ugu weyn ka haysto Xildhibanada Galmudug uu yahay Siyaasi dhalinyaro oo lagu magacabo Bille Bashir Calimire oo ol-olihiisa ka wado caasimada Galmudug ee Dhuusamareb.

 Bille aya xilal kala duwan ugagaso qabtay maamulki Ahlusunna, sida Afhayeenka maamulkasi & Taliyihi Booliska Degmada Caabudwaaq. 

Warbixin aay sanadki 2011 soo saartay Qaramada Midoobay sector keeda amniga ayeey ku sheegtay in Degmada Caabudwaaq aay xiligaas aheyd magalada labaad ee Soomaliya ugu amniga wanaagsan, waxana kaalinta 1aad qaadatay Boorama. 

Waxa xiliga qiimeyntas la sameyay Degmada Caabudwaaq Taliye ka aha Mudane Bille oo inta badan shacabka reer Galmudug aaminsan yihin hadi uu ku guuleysto jagada Madaxweyne Ku Xigenka in uu deeganada xasilonidada iyo aminogoda isbadal weyn ka sameenayo. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here