Maalinti shalay ahayd waxaa dalka Shiinaha ka furmay shir ay ka qayb galayaan madaxda dalal badan iyo shirkado caalami ah. Shirkaan ayaa ah marki labaad ee la qabto. Ujeeddada shirkaan ayaa ah in kor loo qaado hadafka Shiinuhu ka leeyahay mashruuca halka jid iyo halka suun (one raod one belt).
Mashruucan oo la billaabay sanadi 2013’ki ayaa waxaa qayb ka ah 122 dal iyo 21 shirkadood oo caalami ah. Mashruucaan ayaa lagu noolaynayaa jidkii loo aqoon njiray jidka xariirta (silk raod) ee quruumihi dhexe isku xiri jiray Shiine, Aasiya iyo Afrika iyo qaybo Yurub ka mid ah. Noolaynta jidkaan ayaa ku baxayo boqollaal bilyan oo doolar kuwaas oo lagu maalgalinayo kaabayaashe dhaqaalaha ee dalalka uu marayo marinkaan. Dowladda Shiinuhu waxay sheegtay in 80 bilyan oo doolar ay ku maalgalisay mashruucaan ilaa hadda intaas ka badanna ay soo waddo.
Dalalka caalamka intooda badan aad ayay u danaynayaan qayb ka noqoshada mashruucaan. sababta ugu muhiimsan ee mashruuca loo rabo waa helidda deynta Shiinaha ee si indho la’aan hadda u baxayso. Deyntaan ayuu Shiinuhu siiyaa dal walba oo uu jidkaan marayo iaydoon uusan fiiran inuu iska bixin karo iyo in kale.
Arrintaan ayay qaylo dhaan ka keeneen dalalka ree Galbeedka iyo hayadaha fadhigoodu yahay Yurub iyo Maraykan. Garabkaan ayaa Shiinaha ku eedeeyay inuu doonayo inuu guumaysi galiyo dalalka saboolka ee uu siinayo deynta xad dhaafka ah. Waxaa loo arkaa in qorshaha Shiinuhu yahay inuu la wareego maamulka ilaha dhaqaalaha dalalka uu maalgaliyo marki ay iska bixin waayaan daymaha la siiyay. Arrintaas meelo ayay durbadiiba ka dhacday sida dalka Siiralaanka oo uu kala wareegay dakad iyo garoon diyaaradeed.
Dalalka Baakistaan, Myanmar iyo Malaysiya ayaa iyaguna buriyay heshiisyo balaayiin ku bixi lahayd oo ay Shiinaha la galeen ka dib marki ay ka walaaceen qaabka dayn bixinta iyo cawaaqibta ka imaan doonto.
Hasa yeeshee ree Galbeedku naxariis kama ahan eedahaan. Waxaa muuqato in Shiinuhu la wareegayo awoodda kaliga ah ee dunida (super power) halka awooddi ree Galbeedku sii wiiqmayso sanad walba. Kala wareegga awoodda waxaa ka dhalanayso la wareegidda waddamadii ay ree Galbeedku maali jireen. Maadaama aysan ree Galbeedku haysan lacag ay kusoo ceshadaan dalalka gacantooda ka baxayo waa inay dacaayad iyo cabsigalin isticmaalaan si mashruuca Shiinaha loo fashilo.
Si kastaba ha ahaatee ma muuqato inay ku guulaysan doonaan dacaayaddaan waayo baahida ay qabaan dalalka soo korayo maahan mid maanta ree Galbeed dabooli karo. Jidka kaliya ee baahidaas, oo ah dhisidddi kaabayaasha dhaqaalaga, looga bixi karo lacagta diyaarsan ee Shiinuhu bixinayo shardi la’aan.
Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka uu jidkaan marayo. Waagi ugu horraysay ee la billaabay Jidka Xariirta waxaa laga alkumay Muqdisho oo badmareenki Shiinaha ee la oran jiray Zhen He kasoo jidkaan furay uu yimid ayaamana ku nagaa.
Hasa yeeshee hadda Soomaaliya ka mid maahan dalalka sida tooska ah uga faaiidaysanayo mashruucaan sababo xagga amniga iyo daganaansho la’aan la xariirto awgeed. Wasiirka iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta ayaa hadda ka qayb galayo shirkaas. Wasiirka ayaa dadaal ugu jiro inuu maalgashiga Shiinaha dalka keeno.
Xariirka ganacsi ee ka dhaxeeyo Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa sanad walba kobcayay 20% wuxuuna gaaray $485 million sanadki 2017. Shiinaha ayaa noqday dalka kaliya ee loo saxiixay inuu ka kalluumaysto badaha Soomaaliya taasoo aad loo dhaliilay laguna eedeeyay dowladda inay furtay waddo lagu xaalufin doonto kheyraadka dalka.
Si kooban shirkaan ka furmay Bakiin waa mid dalal badan u muhiim ah. Laakiin si ka duwan kuwii hore, su’aalo badan ayaa laga keenay. waxaa soo muuqatay cabsi weyn oo laga qabo cawaaqibta ka dhalan doonto maalgashiga Shiinaha uu ku samaynayo dalalka soo korayo.