Faaiidooyinka Caafimaad ee laga helo Soonka.

0
761

Maanta waxaa laga soomaanyahay dunida inteeda badan. Muslimiinta ayaa soonka lagu waajib yeelay sidii ummadihi ka horreeyay loogu waajibiyayba. Eebbe waxaa uu noo sheegay inaan ka heli doonno soonka dhawaanshihiisa iyo raalli ahaanshihiisa. Intaas ka sakow waxaa jiro faaiiddoyin badan oo soonku aadanaha u leeyahay. Arrintaan waxay ahayd mid muslimiintu ogyihiin.

Hasa yeeshee sanadahaan danbe waxaa aad culimada saynisku u baartay inay fahmaan cudur iyo caafimaad kan uu leeyahay soonku. Baaritaankaas waxay ku ogaadeen in soonku caafimaad badan laga helo. Arrintaan maahan mid ugub ah waayo Giiriggi hore dhaqaatiirtiisu waxay dadka xanuunsan fari jireen inay soomaan si ay caafimaad u helaan. Taasoo ina tusaysa in soonku dawo yahay.

Culimada aadka u baartay xiriirka ka dhaxeeyo soonka iyo caafimaadku waxay soo jeediyeen dhowr nooc oo soon ah sida in aan wax la cunin 12 saacadood, 16 saacadood ama 24 saacadood. Soonkaan ayay u bixiyeen soonka goosgooska ah (intermittent fasting). Sidoo kale waxay jiro mid loo baxshay 5:2 kaas oo ah in 36’di saacadoodba la cuno kaliya calaries u dhaxaeeyo 500-600.

Brad Pilon buuggiisa uu qoray 2007’di una baxshay Cun, jooji Cun (eat stop eat) waxaa u ku taliyay in cuntada la iska daayo 24 saacadood asbuuci mar ama labo. Taasi waxay ruuxa siinaysaa buu yiri madaxbannaani uu ku go’aansado markuu cunayo iyo markuu iska dayno cunidda.

Sanadi 2012 Micheal Mosley wuxuu baahiyay muuqaal cilmi baaris ah kaas oo u baxshay cun soon oo cimri dheer hel ka dibna wuxuu daabacay buug shaac baxay oo isla arrintaas ah. Buugga iyo muuqaalka labaduba wuxuu ku saleeyay soonka noociisu yahay 5:2. Hasa yeeshee wuxuu hadalki kusoo xiray in soonka muslimiintu yahay kan ugu fiican ee caafimaad laga helo.

Caafimaadka ilaa hadda la xaqiijiyay in laga helo waxaa ka mid ah: hurdo fiican, qatarta nooc kansarka ka mid ah oo yaraato gaar ahaan kansarka ku dhaca naasaha haweenka. Khuburadu sidoo kale waxay xaqiijiyeen in cuntada oo laga soomaa ay yarayso kolstoroolka, wadno xanuunka, cayilka iyo cudurrada xiska ku dhaca.

Cuntada marki aan joojinno jirkeennu wuxuu xoogga saaraa inuu iska sifeeyo qashinka sidoo kale waxaa nasto qaybta dheef-shiidka. Claire Mahy oo ku takhasustay quudka ayaa Aljazeera u sheegtay in soonku u ogolaado xiidmaha inuu isa sifeeyo oo uu xoogaysto. Sidoo kale wuxuu galaa borosees loo yaqaan autophagy kaas oo ah in unugyadu is nadiifiyaan dibaddana u saaraan kuwooda dhaawacmay iyo kuwo xanuunsan.

Sanisyahannada sidoo kale baaray xariirka ka dhaxeeyo mindhicirka iyo xanuunnada maskaxda ayaa ogaaday in soonku keeno waxa loo yaqaan brain-derived neurotrophic factor (BDNF) kaas oo ah nidaam ilaaliya unugyada maskaxda sidoo kale yareeyo qulubka, waswaaska iyo walwalka xad dhaafka ah iyo waliba xanuunka xasuusta tira ee dhamenshiyada (dementia).

Isku soo wada duuduuboo, waxa ay heleen culimada saynisku waa arrin horay diintu u caddaysay. Dhammaan qaabka la yiri ha loo soomo iyo maalmaha la yiri asbuuca ha laga soomo waa kuwo keenayo caafimaad, cibaado iyo cimri dheeraado. Baaritaanka ay sameeyeen dhaqaatiirtu wuxuu soo kordhiyay kaliya in la fahmo habka uu ku dhacayo caafimaadku ee wax kale cusub ma keenin.

Qormadaan waxaa kasoo turjumay bogga Aljazeera qaybteeda Ingiriiska.

Ibrahim Aden Shire

ishire86@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here