Dunidu Dagaal ayay rimmantahay Kiinyana Duullaan Soomaaliya ayay foolanaysaa

0
669

Wararka dhiillada wato ee Iiraan iyo Maraykanku hawada isu marinayeen baryahaan waa kuwo tusayo colaadda kasoo iftiimayso Bariga Dhexe. Aqoonyahanno badan iyo  dadka ka faalloodo siyaasadda dunidu waxay si aan kala go’ lahayn diiradda u saarayeen cabsida ka aloosan Bariga Dhexe. Hasa yeeshee waxaan ahmiyad la mid ah la siin midda laga yaabo inay ka gugacdo Bariga Afrika.

Dowladda Kiinya waxay in muddo ah diyaar garow xooggan oo dhinacyo badan leh ugu jirtay dagaal ay ku qabsato dhul Soomaaliyeed oo cusub. Waxay ballaarisay tababaridda cidamadeeda, kor u qaadidda tayada ciidankeeda lugta iyo casriyaynta hubkeeda iyo waliba diyaarinta maskaxda shacabkeeda.

Sanadki hore waddamada ku yaal Bariga Afrika waxay hub iibsasho ku bixiyeen adduun gaarayo saddex bilyan oo doolar. Kenya ayaa hoggaaminayso waddamadaan. Sanadki tagay 80 milyan oo doolar ayay ku kordhisay qarashaadkeeda hub aruursiga. Guud ahaan qarashka dalalkaan ay ku bixiyaan is hubaynta 36.5% waxaa leh Kenya oo noqotay dalka ugu hub iibsiga badan dalalka Bariga Afrika.

Maraykanka ayay ka heleen 12 ah gawaarida gaashaaman ee loo yaqaan Bastion armoured personnel carriers (APCs). Waxay sidoo kale soo iibsatay diyaaradaha qummaatiga ku kaco iyo hub kale oo casri ah. Waxay xoojisay ciidamadeeda badda waxayna howl galisay maraakiib si gaar ah u joogto biyaha ay Soomaaliya xoogga ooga qabsatay.

Hasa yeeshee waxaa intaas oo dhan oo ka daran habka ay maskaxda shacabkeeda ugu diyaarinayso dagaal qaraar oo daba dheeraado. Ololaha shicibka Kenya loogu diyaar garaynayo dagaal waxaa hoggaanka u hayo idaacaha iyo aqoonyahannada dalkaas.

Shicibka Kiinya oo qaatir ka taagan dagaalki koobnaa ee ay dowladdoodu ku qaadday jamhadda yar ee Shabaab ayay adag tahay in la laqsiiyo dagaal ballaaran oo dhul lagu qabsado. Dowladda oo arrintaas og ayaa hadalka u dhigayso sifo ay dadku naftooda u huri karaan duullaankana uga raalli noqon karaan.

Istaatiyada ay isticmaalayso dowladda Kiinya ayaa ah in Soomaaliya ay qabsatay dhul ay iyadu leedahay iyadoo adeegsanayso guumayste caddaan ah. Waxaa la isu ekaysiiyay guumaystihii ree Yurub iyo waxa ay Kiinya ugu yeeryay boobka biyaheeda. Dowlado soomaaliya dhib ma ogiye aysan dheef ku qabin ayaa dadka Kiinya loo sheegay inay biyahooda Soomaaliya siinayaan.

Muuqaalka kore ayaa ka mid ah kuwii ugu yaabka badnaa ee siday farriimaha colaadeed ee lagu kicinayo shicibka Kiinya sidoo kalana lagu bannaysanayo boobka dhulka Soomaaliya. Muuqaan oo soconayo 12 daqiiqo ayaa waxaa ka hadlayo aqoonyahanno reer Kiinya ah oo da’ yar. Dhammaan inta meesha ka hadashay waxay isku raaceen inay dhimasho ka xigaan inay ka baxaaan biyaha Soomaaliya ee dalkoodu xoogga ku haysto.

Maxkamadda caalamiga ee ay dhawaan qaadi doonto dacwada badda ayay u sawireen xero guumayste oo lagu qaybinayo biyaha Kiinya. Hadalkaan wuxuu sidaa labo farriimood. Tan koowaad waa inaysan ku qanci doonin natiijada kasoo baxdo maxkamaddaas taasoo tilmaamayso inay ogyihiin in laga xugmin doono waxa la isku hayo.

Farriinta labaad ayaa ah in shicibka Kiinya loo sheego inaysan jirin dood u dhaxayso Soomaaliya iyo Kiinya ee ay jirto dood u dhaxayso ree Yurub rabo inay qabsadaan biyaha Kiinya iyagoo isticmaalayo Soomaaliya iyo Kiinya oo is difaacayso.

Qodob kale oo meeshaan laga sheegay ayaa ah sheegasho dhul cusub iyo tuhun la qabay oo carrabka lagu dhuftay. Deegannada Jubaland oo dhan ayay Kiinya ku doodaysaa inay iyadu leedahay xaqna tahay inay u dagaalanto. Tani waa hayi kicin shicib iyo furid jiho cusub oo laga dagaal galo oo cadaadis lagu saaro Soomaalida uu dagaalku daashaday ee dhulkeedi iyo dadkeediba horay loo qaatay. Haddii Jubaland la isku hayso ma bad baa warkeed jiraa.

Tallaabooyinka kale ee ay kiinya qaadday si ay ugu guulaysato dagaalka ay qaadi doonto ayaa waxaa ka mid ah qoridda ciidamo Soomaali ah oo iyada ka amar qaato kuwaas oo sal dhigan doono gudaha Soomaaliya iyagoo difaacayo Kiinya. Ceelwaaq ayaa laga billaabay qoridda ciidamadaan oo hadda si dardar leh uga socdo. Qorshaha ayaa ah inay xuduudka dhinaca Soomaaliya ah lagu teedo ciidamo Soomaali ah oo Kiinya mushaar ka qaato hoosna tago Juabaland. Ciidamadaan waxay ka hor tagi doonaan kacdoon shicib iyo cid walba oo isku daydo inay hor istaagto darbiga la sargooyay loolka badda la isku hayo.

Si kooban, dowladda Kiinya iyo madaxya-weynteedu (elites) way ogyihiin inaysan lahayn biyaha la isku hayo loogana guulaysan doono dacwada dhawaan dhici doonta. Sidaa darteed waxay u diyaar garoobeen dagaal qaraar oo ay ku haystaan dhulka Soomaaliyeed ee ay qabsadeen. Soomaalida ayaan dhinaceeda warba u hayn middayaha loo soofaysanayo iyo duullaanka qaawan ee lagu kor diyaarinayo.

WQ: Ibrahim Aden Shire

ishire86@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here