Tacsi: Sheikh Maxamed Sheikh Xaajow

0
421

Allaha u naxariisto waxa saaka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ku geeriyoday Sheekh maxamed sheekh Xaajoow sheekh cabdulaahi Xaaji maxamed Aadan Guuleed.

Shiikha ayaa kamid ahaa culuma’udiinka Soomaliyeed ee gobollada dhexe wuxuna kaalin mugleh ka qaatay fidinta iyo tacliinta diinta Islaamka.

Waxa isla galabti lagu aasay degmada Caabudwaaq. Kumanaan qof oo bulshada magalaada aya ka qeyb qaatay janaazada shiikha. Dadka yaqaanay ayaa ku tilmaamay nin ixtiraam badan diintana ku adkaa.

Bahda Humbaale News waxa aay tacsi u direeysa ehelkiisa, asxaabtisa iyo dhamaan Shacabka Soomaliyeed. Samir iyo iiman, Allaha janadiisa haka waraabiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here