Burburki ku dhacay dalka Soomaaliya marki uu bilowday iyo meeshi uu ka bilowday waa mid muran badan ka taaganyahay. In badan bulshada Soomaaliyeed madaxdi u horraysay ee dalka hoggaamisay xilki ay doonaanba (xubin baarlamaan ilaa madaxweyne) ha hayeene waxay u arkaan kuwo u bislaa maslaxada dalka iyo dadka maadaama ay ahaayeen kuwo gumaysi kusoo hoos noolaa muddo. Hasa yeeshee marki aad si daqiiq ah u eegto waxyaabihi dhacay muddadi yarayd ee ay dalka hoggaamiyeen iyo sidi ay uga falceliyeen ama xal u arkeen waxaa kuu muuqan inay ahaayeen dad miyi ku kor ahaa oo dooladnimadu aysan ooga duwanayn hal madi ah oo qoys u irmaan. Labadaan tusaale si dhug leh u dhuux adaaba ii garaabi doonee.
Tan koobaad: Waxyar ka dib doorashadii 1969’ki waxaa laga warhelay in ciidamadu qorshaynayaan afgambi. Waqtigaas qaaradda Afrika waxaa ka socday cinqilaab baahsan. Sidoo kale dowladdi dalka hoggaaminaysay iyo qaabka ay doorashadu dhacdayba waxay ahaayeen kuwa dadku aad ooga niyad jabeen taasoo keentay in loo Alla baryo cinqilaab ciidamo hoggaaminayaan.
Marki tuhunku xoogaystay, dowladdi waxay ku fekertay inay khatartaas yarayso iyadoo u maraysa inay xilka ka qaaddo Allaha u raxmadee Maxamed Siyaad Barre oo ahaa taliyaha ciidamada qalabka sido. Si isagana loo qanciyo waxaa la soo jeediyay in Ruushka tababar ciidan loogu diro.
Qorshihi noocaas ahaa waxaa hor joogsaday oo dadaal badan u bixiyay in la joojiyo mudanayaal ka tirsanaa baarlamaanka galaangal iyo awoodna ku dhex lahaa golaha. Xubnahaas oo ay ka mid ahaayeen Allaha u wada raxmadee: Cali Garaad Jaamac, Yaasiin Nuur Xasan, Xaaji Muuse Samatar, Maxamed Cali Dacar iyo Maxamed Cawaale Liibaan waxaa hor boodayay Aaden Shire Jaamac oo ay Maxamed Siyaad isku qoys ahaayeen labo gabdhood oo walaalo ahna kala qabeen.
Mudanayaashaan waxay ku doodeen in Maxamed Siyaad yahay nin cimri ku jiro, dan yar ah xaasas dhowr ah iyo caruur badan oo koris ahna haysto sidoo kalana uusan haysan saraakiil la jilib ah oo uu wax ku cinqilaabo. Sababahaan oo la isku daray waxay dhaheen marnaba suuragal ah maahan inuu Maxamed samayeeyo afgambi. Waxay kaloo yiraahdeen haddii tababar loo diro ma jirto cid caruurtiisa korintooda dammaanad qaadayso.
Sida halkaan ka muuqato labada sababood ee ugu muhiimsan ay ku doodeen mudanayaasha rabay in Maxamed Siyaad xilka loo daayo waa inuu leeyahay caruur badan oo isuma qadda ah shaqadana uu ku korsado. Taasi waxay muujinaysaa khatarta ninkaan kasoo muuqato ee saamayn doonto Soomaali oo dhan dal iyo dadba waxaa kala muhiimsanaa hasha irmaan ee caruurta laga gurinayo.
qodobka labaad ee ay cuskadeen waa tol kuma dhex laha ciidamada. Tani waxay ku tusaysaa inay wali qabeen kuwa soo jeediyay iyo kuwa ku raacayba in nin laangaab ahi uusan geel laandheere u xaraysan dhici karin. Dowladduba waxay u arkayeen geel reer laandheere ah meel ugu xaraysan in la dhacana ay u baahantahay geesiyaal badan oo ka dhashay qabiilo laandheere carradaas ku ah. Maba aysan fahmin in geesiyaashi geela qaadi jiray booskoodi ay joogaan askar u tababaran qaadashada amarka taliyahooda. Ma aysan fahmin in qabiilka taliyuhu yahay ciidamada isaga ka amar qaata sidaasna AUN Maxamed Siyaad uu ku yahay ninka ugu laandheeraysan uguna ciidan iyo cudud weyn gayiga soomaaliyeed.
Ilaahay wuxuu qaddaray in marki ay ciidamadu dalka qabsadeen ninkii loogu ciqaab adkaa uu noqday Aaden Shire Jaamac. Garan maayo sababta laakiin waxaa la sheegay in si gooni ah loo dhibaateeyay. Arrintaan oo faahfaahsan ugu noqo buugga Xabbaddii Dunida Gilgishay.
Midda Labaad: Waxaysi uu siiyay wargayska Kasmo guddoomiyihii golaha shacabka intii u dhaxaysay 1967 ilaa 1969’ki Sheekh Mukhtaar Maxamed Xasan bishii Juun sanadki 2000 ayaa wuxuu ku sheegay hadalka soo socda.
Marki la dilay Allaha u raxmadeee madaxweynihii dalka mudane Cabdirashiid Cali Sharmaake, raysul wasaraha oo ahaa AUN Maxamed Xaaji ibraahim Cigaal waxaa uu ku maqnaa Maraykanka. Inta uusan imaan ayaa rag ka showreen ciddii baddali lahayd madexweynaha ee dalka hoggaamin lahayd. Ragga arrintaas ka shiray waxay kala ahaayeen Cumar Macallin iyo Hilowle Macallin oo walaalo ahaa kana wada tirsanaa golaha shacabka, Yaasiin Nuur Xasan iyo Yuusuf Cigaal oo ganacsato ahaa sidoo kala ku jiray golaha shacabka iyo nin kale oo shanaad oo isna ka tirsanaa baarlamaanka.
Waqtigii doorshada socotay [oo aan fogayna] waxaa caluula lagu dilay nin la dhashay Muuse boqor oo madexweyne Cabdirashiid jifo dhow ahaayeen. Shanta nin ee showrtay waxay yiraahdeen maadaama qoyskaan labo nin ka baxday madexweyne Cabdirashiidna caruur badan oo yaryar ah ka tagay aynu doorane qof ehel u ah caruurta oo korintooda kafaalo qaado. Sidaas ayay isgu raaceen in Muuse Boqor loo doorto xilka madaxweynenimo.
Markii dalka uu dib ugu soo laabtay mudane Cigaal warki isaga ahaa ayay u sheegen sidaas ayaan nala qumman ayayna ku yiraahdeen isna waayahay ayuu yiri. Ka dib aniga [guddoomiyaha golaha shacabka] ayay gurayga iigu yimaadeen waxyna igu yiraahdaan waxaan wadnaa Muuse Boqor in dalka loo dhiibo sababtuna waa sidaas. Baarlamaanka keena ayaan ku iri laakiin ogaada Muuse waa nin madax adag oo isagoo wasiirka arrimaha gudaha ah dowladdii Cabdullahi Ciise waxaa xilka looga qaaday madax adeyg dartiis.
Markii ay dhalatay dowladdi Cabdirashiid ayaa la yiri waa nin soo halgamaye seen yeelnaa. sidaas ayaana lagu siiyay ruqso uu kaligiis dahabka dalka ku keeno.
Markay iga baxeen ayaa waxaa ii yimid Maxamed Siyaad oo ahaa taliyaha ciidamada wuxuuna yiri ma war heshay inay niman ku showreen in Muuse dalka loo dhiibo? haa ayaan ku iri anna sidaas ayaan ugu jawaabay. Wuu iga tagay [asagoon wax kale i dhihin].
Waxaa ii yimid isla saacaddii safiirka Ruushka Soomaaliya u joogay. Wuxuu yiri sidaas ayaa la wadaa baan maqlaye haddii Muuse la doorto Soomaaliya soo gacanta Maraykanka gali mayso. Waxaan ku iri Ilaah baa og. Cabdirashiid marki hore Ruush ayuu la jiray. Siyaasaddu hadba dhinac ayay u gaddoomaysaa, mabda’ meel lala joogayo maaha marba meel ayaa lagu dayaa, inuu Ameerika kasoo go’o waa suuragal in sida aad filayso uu noqdana waa suuragal. Isna sidaas ayaan ku kala tagnay.
Xasuuso sababta guddoomiye sheekh Mukhtaar loogu wada imaanayo waa inuu yahay madaxweynaha dalka waqtigaas maadaama madeexwaynihii la dilay mid kalana aan wali la dooran. (Waraysigaan oo dhammaystiran waxaa lagu soo guuriyay buugga Xabbaddi dunida Gilgishay)
Mar kale dhacdadaan waxaa muuqdo dhaqanki miyiga oo aan car isku rogin. Dowladnimadi, hoggaanki dalka iyo masiirki ummaddaba waxaa laga soo qaaday meel caruurta lagu korsado. Waxaa muuqato walaaca ay ciidamadu oo Ruush taageero xooggan ka heli jiray ay ka qabeen in Muuse la doorto. Waxaa cad walaaca Ruushka oo ahaa awood xooggan ciidamada galaangal ku leh uu ka qabay Muuse oo dalka hoggaamiyo. Waxaa cad sida guddomiyaha baarlamaanka oo ah ku simaha madaxeweynaha uu arkayay Muuse in dabci ahaan ay adagtahay inuu dalka hoggaamiyo. Haddana saas oo ay tahay mudanayaasha howsha watay waxaa u muuqatay kaliya korinta agoonta oo kala weynayd masiirka dalka iyo waxa ka dhalan kara qorshaha ay wadaan hadduu fulo.
Si kooban, dhacdooyinka na marayo waa kuwo isu eg. Hadday sida ay nagu soo gaareen run u yihiin madaxdi hore dowladnimadu oogama duwanayn geel reer u irmaan. Maanta madaxda joogta xilalka ay hayaan waxay u arkaan maqaayad u shidan oo uu caruurta lagu korsado sidii kuwii horaba. jifadiisu waxay u aragtaa kursiga ruuxa matalo uu ku fadhiyo hal madi ah oo reerka u irmaan. Hadduu si fiican ugu lisi waayo waxay u arki hagar xaggiisa ah ama dadnimo xumo inuu hasha u maali la’yahay. Halkaas waxaa kaaga cad micinihii dowladda soomaaliya loogu bixiyay MAANDEEQ ee loogu heesay “an maalno hasheenna MAANDEEQ.
Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com