Sida loo qoro Faysbuuk Boosti adingoon cidna dulmin hadafkaadana gaarayo.

0
292

Marka ugu horrayso xasuuso saaxibadaada faysbuuggu inay yihiin kuwa aad rabto inay saamayso farriintaadu. Sidoo kale ogsoonow inay reer walba leeyihiin. Taasi waxay qasab ka dhigaysaa inaad tixgalisodareenkooda adiga oo aanan ka tagayn ujeedkaada. Labadaas waxaad ku kulmin kartaa qaadidda tallaabooyinka soo socdo.

Iska ilaali inaad ruux shaqsiyaddiisa weerarto. Baddalkeeda weerar ku ekee siyaasaddiisa iyo afkaarta u qabo. Tusaale, dheh siyaasadda Muuse Biixi waa mid qabyaalad ku dhisan. Ha oran Muuse waa qabyaladiiste. Ka dheerow isticmaalka erayada cayda qaxayan ah marki aad ruux dhaliilayso, sida gaal tuug, nacas, cuqdadlow, damiir-laawe, dhuuni-raac, sharmuuto IWM.

Dhaliishu ha noqoto mid asluubaysan oo daggnaan ka muuqato. Haddii ruux gooni ah aktaada danbiile ka yahay ogsoonow waxaa jiro dad uu agtooda ka yahay halyeeyay, sidaa darteed tixgali akhristaha ruuxaas taageerada u hayo adingoon ka weecan ujeedkaada. Tusaale, haddaad rabto inaad dhaliisho AUN Maxamed Siyaad, isticmaal erayada “taliski”, “xukuumaddi” “kacaanki” IWM. Jumlo u gali sidatan: Taliski Maxamed Siyaad dadka ayuu maxkamad la’aan xiri jiray halki aad oran lahayd Maxamed siyaad dadkuu iska maxbuusi jiray. Xukuumadi Cabdullahi Yuusuf duqaymo ba’an ayay Xamar ka gaysatay, halki aad oran lahayd Cabdullahi ayaa Xamar duqeeyay. Burburki Soomaaliya waxaa loo aanayn karaa jeneraal Caydiid halki aad dhihi lahayd Jeneral Caydiid ayaa ka masuul ah burburka dalka IWM. Sababtu waa in raggaan ficillada lagu eedaynayo at jireen dad badan oo reero kale ah la fuliyay dhibaatooyinka loo aanaynayo. Kaligood oo dhibka ku ekayso waxay ka dhigantahay kuwii la socday ee tolkey ahaa danbi ma leh.

Haddii aad ruux taageere u tahay, cindiga ku ahaay in akhristayaashaadu ka mid noqon karaan kuwo ruuxaasi dhibaateeyay, lagaba yaabo inuu ogoontinimeeyay. Sidaas awgeed muuji naxariis iyo inaad ka xuntahay waxa lagu eedayay ama aad ogtahay inay amarkiisa iyo ogaalkiisa ku dhaceen. Tusaale, haddii aad rabto inaad ammaanto AUN Maxamed Siyaad, hadalkaadu waa inay ku jirto erayada “ma khalad la’ayn” “dhibootooyin dhacay waqtigiisi waa jireen” “wixii xukunkiisi dhacay waa arrin kale laakiin”, “waan ogahay in dhib ballaaran loo gaystay halkaas iyo hakeer…” IWM.

Waxba ha ka sheegin dadka dhintay. Haddiise ay dhacdo inaad tilaamnto khaladaadkooda ama dhibaatooyin ay geysteen waqti ay xil hayeen, ha ka takin isticmaalka jumlada “Allaha u naxariisto”. isticmaalka jumladaan waxay muujinaysaa in inkastoo aad feker ku diidantahay aadan neceyb shaqsiyadeed qabin. Dhinaca kale naxariista Eebbe oo aad la baqiisho waxay muujinaysaa inaad tahay qalbi-laawe hadduu ruuxaas qabto naxariista ka tagi lahaa ama waxa aad ku eedaynayso oo kale fali lahaa.

Waligaa xogaha aad maqashay ee aadan hubin raaci kalmadaha “hadday sidaas u jirto”, “waa sida aan u maqlay”, “sida la wariyay” IWM. Sidoo kale xogaha aadan ka marqaati kicin Karin ama aysan maxkamad xukumin laakiin dadka ku dhex baahay markaad warinayso isticmaal faacilka qarsoon (passive voice). Tusaale, dheh: waxaa la rumaysanyahay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur badda soomaaliya uu lacag dhaafsaday halki aad oran lahayd CC Shakuur ayaa badda gatay. Ha dhihin madaxweyne Farmaajo ayaa Qalbi-dhagax dhiibay. Baddalkeeda dheh, waxaa la tuhmayaa inuu wax ka ogaa dhiibiddi Qalbi-dhagax IWM.

Iska baandhee waxa aad ka maqasho waayeelka beeshaada ah inta aadan soo dhigin Facebook. Waayo odayaashaadu waxay ku sheekaystaan wax ay iyagu og yihiin sida ay u jiraan laakiin ay doonayaan inay adiga kaa dhaadhiciyaan in beeshu tahay midda qur ah ee soomaali ku jirta, ugu gobsan, ugu daacadsan, ugu dulqaad badan uguna tanaasul badan. Sidaas darteed ayaad maqli iyagoo ku ammaanayo siyaasiyiinta beesha tanaasul iyo xalaal quudasho. Dhinaca kale beelaha kale waxay ka dhigi wada danbiile dalka baabi’iyay! Warkaas inta run wada mooddid saaxibadaa Facebook ha la wadaagin.

Ugu danbayn cindiga ku haay in soomaalidu qabaa’il tahay, dagaalo ba’an dhex mareen cuqdad badanna caloosha la isugu hayo xasadkuna ku badanyahay marka ha danqin boogaha hoos ka hulaaqaya. Si aad adigu u noqoto ruux ka caafimaad qaba dhibka baahsan ee dadkeenna halakeeyay u hadal si ka duwan sida inta dhibban u hadlaan.

Ibrahim Aden Shire

ishire86@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here