Sixid ku saabsan Sidii uu Cabdiqaadir Omoromo (AUN) u dhigay dhacdadii Walwaal

0
628

Dhowr sano ka hor ayaan akhriyay buugaag u qoray Allaha u naxariistee (AUN) Cabdiqaadir Oromo. Oromo waxaan ku tiriyaaa qorayaasha waxyaabo xaqiiqo ah oo aqoonyahanka Soomaalidu intooda badan aysan u bareeri karin kusoo bandhigo buugtiisa walow ay jiraan qaar uu ku talaxtagay. Sidoo kale waa qoraa afsoomaali fiican oo la fahmi karo wax kusoo gudbiyo.

Hasa yeeshee waxaa jiro dhacdooyin usoo gudbiyay si aad ooga duwan sidii ay u dhaceen. Dhacdooyinkaan oo qaarkood taako taako loo diiwaan galiyay marki ay dhacayeen sidaas awgeedna ruux cilmi baare ah aan ka qarsoomi karin.

Mid ka mid ah dhacdooyinkaas waa dhacdadii Walwaal ee lagu suntay inay tahay middii iba-furay dagaalki Talyaanigu ku qabsaday Itoobiya oo dhan. Isagoo ka warramaya dhacdadaas sidii ay ku dhacday iyo sababti keentay wuxuu qoray Jaalle Oromo hadal macnihiisu ahaa sidatan:

Talyaaniga jabkii ay Itoobiya u gaystay waxaa ka raacay ceeb u qaadan waayay. Waxaa uu go’aansaday inuu iska meyro ceebtaas. Dhowr sano ayuu diyaar garow ku jiray ka dibna waxaa uu soo diray ninkii dagaalkaas hoggaamin lahaa ee Itoobiya ka aargoosan lahaa. Taliyaha cusub waxaa uu kasoo dagay Muqdisho oo ahayd xarunti gumeystihii Talyaaniga. Qorshuhu wuxuu ahaa in ciidamada galayo Itoobiya ay noqdaan Soomaali. Taliyaha ayaa billaabay xogwaraysi ku saabsan sidi dagaalka loogu guulaysan lahaa.

Talooyinki la siiyay waxaa ka mid ahaa in lagu yiri haddii aad doonayso inaad ku guulaysato dagaalka culimo Qaaddiriya ah ciidanka ha ku tufaan. Labo xabbadda shan ka roorta ah ha rido nin Marreexaan ama Madhibaan ah. Intaas haddii aad samayso shaki kuma jiro inaad yeelan doonto gacanta sarrayso.

Talyaani sidii ayuu yeelay. Wadaaddo Qaaddiriya ahaa ayaa ciidanka u quraamay, Aaden Shire Jaamac oo Marreexaan ahaa kana mid ahaa ciidamada Talyaaniga ayaa la faray inuu rido shan ka roorta waa uuna riday. Talyaani guulweyn ayuu dagaalki ka gaaray Adis Ababa ayuuna qabsaday. Aaden Shire Jaamac Talyaanigu wuxuu ugu abaalguday in jid ku yaalo Rooma loogu magac daray.

Haddalkaani inta ku saabsan qaabka dagaalku ku bilowday oo dhan waa mid aan sax ahayn. Garan maayo waxa uu uga jeeday war uusan hubin inuu buuggiisa ku qoro haddana shaqsiyaad iyo beelo magacaabo. Laga yaabo inay ahayd kutiri-kuteen faaftay oo run ula ekaatay. Laga yaabo dad uu isagu ku kalsoonaa inay ooga sheekeeyeen iskana rumaystay isagoo baaritaan dheeraad ah samayn. Laga yaabo inuu ula kac sidaas u dhigay si uu suura-xumeeyo dhacdadaas iyo shaqsiyaadka ay qusayso. Wixii keenayba isaga Allaha u dhaafo innaguna inaan saxno ayaa na saaran maadaama dhigaalku uusan suulin jiilal badanna isu gudbin doonaan.

Waa run inuu Aaden Shire riday xabbaddii uhu horraysay ee dagalka hurisay. Hasa ahaatee maahayn mid lagu ogaa iyo mid Talyaani ka codsaday toona. Balse waxay ahayd mid si kadis ah oo naftiisa difaac ah uu ku riday sababna u noqotay inuu ku mutaysto xabsi dheer.

Deekaanka Walwaal oo ma mid ah gobalka Doollo ee Soomaali Galbeed waxaa difaac kaga jiray ciidamo Soomaali ah oo ciidanka Talyaaniga ka tirsanaa. Ciidamadaan waxaa loo yaqaannay Duubcad. Waxaa meesha loo dhigay inay ilaaliyaan xuduud beeneedki u dhaxeeyay Xabashida Gumeytihii Talyaaniga. Talyaaniga culasy badan ayaa saarnaa markaasna dagaal diyaar uma uusan ahayn inkastoo inuu aarsado uu u diyaar garoobayay.

Ammin saacaddu ku beegantahay shanti galabnimo (11 saac oo galabnimo) hillaaduna ahayd 26’ki Nufember 1934’ti ayaa waxaa waardiyihi la wareegay Aaden Shire oo da’ ahaan jiray 17 sano kana mid ahaa Duubcadda. waxyar ka dib askari Xabashi ah oo kasoo horjeedkiisa waardiye kaga jiray ayaa laf kusoo tuuray. Aaden, sidii dabeecadda Soomaalidu ahaydba, isagoon laba-qalbiyin ayuu xabbad ugu jawaabay.

Isla goobti ayaa Aaden lagu xiray. Laakiin xabbadi ma istaagin waxayna socotay 17’ki bilood ee xigay ilaa Adis Ababa iyo xarunti Xayle Salaase Talyaani ku dhaanteeyay.

Aaden waa xiray isaga iyo geedki uu saarnaa ee galbataas uu xabbada ka dul ridayba. Haa geedki salka ayaa laga rujiyay waxaana loo qaaday Xamar isaga iyo Aaden jeebbaysan. Ka dib labadoodiba waxaa loo qaaday Rooma inta markab la saaray si loo maxkamadeeyo.

Aaden xabsi god hoostiis ku yaal ayaa lagu xiray waxaana loo sheegay in lagu haysto inuu dowladda Talyaaniga galiyay dagaal aysan u diyaar garoobin, wixii laga yeeli lahaana ay ku xirantahay natiijada dagaalkaas uu billaabay. Haddii Talyaani guulaysto waa lagu siidayn baa lagu yiri haddiise Talyaani jabo waa lagu daldali. Halkaas ayuu ku xirnaa intii uu dagaalku socday oo dhan isagoon ka warqabin meel xaal marayo.

Waxaa bannaanka la keenay maalinti Adis Ababa gacanta lagu dhigay maalmo ka dib si uu uga qayb qaato dabbaal-dagga guushi dagaalki uu sida shilka ah u ku billaabay. Dhammaan dhacdooyinkaan laga soo billaabo maalinti la xiray, marki Xamar la keenay, marki markabka la saaray, marki Rooma laga dajiyay isaga iyo geedki oo wada jira iyo marki lasoo daayayba waa kuwo wada qoran oo sawirro laga qaaday joornaallana lagu daabacay si fududna lagu heli karo qofkii doonayo inuu baaro. Hasa yeeshee waxaa soo koobay oo sawirradi iyo hillaadihiba soo bandhigay buugga Xabbaddi Dunia Gilgishay.

Haddaba AUN Aaden oo ahaa dhibbane loo xabbisay danbi uusan galin, dhibbane labo sano ku dhawaad aan bannaanka arag dhacdo shil ku dhacday darteed; dhibbane noloshiisi lagu xiray dagaal biyo-dhiciisu waxay noqon aanan la ogayn; dhibbane dalkiisi iyo dadkiisi laga dheereeyay oo cadow god mugdi ah ku xirtay; dhibbane isagoo caruur ah inta la askareeyay masuuliyad uusan u diyaarsanayn la saaray in loo sawiro nin ogaal iyo heshiis ku billaabay dagaal kuna mutaystay abaalmarin maahan mid saxan.

Sida ka muuqato nolosha AUN Aaden Shire Jaamac wuxuu daacad qalbi nadiif ah. Taasi waxay sabab ugu noqotay inuu Eebbe shirqoolki loo dhigay iyo xad-gudubyo lagu sameeyay waqtiyo kala duwan ugu baddalo guulo ay yartahay ruux Soomaali ah oo gaaray.

Ibrahim Aden Shire

ishire86@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here