FARSHAXANKA HADALKA

0
644

  Ma xasuusataa maalin adiga iyo qof kale hadal idin dhexmaray ka dibna hadalkii idinka xumaaday,  sababna u noqday  in aad isku dhacdaan, ama cuqdad xun oo hadalkaas ka dhalatay idin dhexmarto?. waxaa laga yaabaa in aad xasuusato dood dhexmartay labo qof oo aad labadaba taqaannay dooddaasi oo ka aloosantay waxaan sagaaro ka biirsan  adoo fiirinaya ayaa qaylo cirka isku shareertay,  mid walba oo ka mid ahna indhihii guduuteen oo  kabbo dhiig ah u ekaadeen sidaasna labadii qof ku kala dhinteen!.  Arrimo noocaan oo kale ah oo fara badan baynu si maalinle ah u aragnaa.

Ma istidhi wali bulshadeenu waxay u baahantahay tababar ku saabsan inay fahan fiican ka hesho fanka hadalka, farshaxanka dabuubta, faaf-reebka weedhaha iyo kala fadilida kalimadaha. Abwaan Cabdiqaadir Xirsi (Yam-Yam) ayaa yidhi isagoo Soomaalida sifaynaya iyo sida qiima la aanta ah ee ay isugu dhaacaan:

Balliyada Sagaaradu,

Biyahay cabtaa iyo,

Bishimaha ma saartaad,

Isku wada bireeyeen.

Waxaa iska cad inaan bulshadeennu aqoon u fiican u lahayn xirfadda hadalka (Fanka Hadalka)! Layaab se ma laha oo wax yaabihii ka waaweynaa ee asaasiga nolosha ahaa ayeysanba  faro ku hayn. Waxaa  Xikmad darro ah inaad qof aan  Faral tukan  Sunno ku wacdido. Haddana rajo lagama quustee wax sheegidda waynu wadaynaa waa intaasoo mar un la maqlaaye!

Qofka hadlaya wuxuu la mid yahay qof buur aad u dheer fuulaya. Waxaa habboon in qofka buurtaas oo kale  fuulaya in uu aad uga digtoonaado kana taxaddaro in uu ka dhaco ka dibna uu sidaas ku naf waayo ama dhaawac xuni ka soo gaadho. Waa inuu meeshuu lugta dhigayo iyo meeshuu gacanta ku qabsanayo aad uga feejignaado oo uusan lugta saarin ama gacanta ku qabsan meel uu san hubin inay badbaadin karto iyo in kale. hadaba inta aadan hadlin waa in aad hadalka iska ilaaliso. Inta aysan afkaada kasoo bixin waa inaad kalimadaha aad isticmaalayso kala xulato oo weedhba mida ka sii fiican doorato.

Tusaale kale dhakhtarku marka uu Qofka bukaanka ah durayo wuxuu soo qaataa dawada cudurka bukaanka haya uu u baahanyahay ka dibna irbada meeshuu doona isagama dhufta e Jidhka bukaanka ayuu tuutuujiyaa ka dibna xididka munaasibka ah ayuu raadiyaa markuu irabada afkeeda xidika ku hubsado ayuu dawada ku siidaayaa. Kawarran haddii  irbada intuu Jidhka bukaanka galiyo isagoon xididkii saxda ahaa helin daawada ku sii daynlahaa maxaa dhicilahaa? Iskadaa in bukaankaasi caafimaadee dawadii ayuu Jirro hor leh ka sii qaadi lahaa. Hadalkuna waa sidaas oo inta aadan hadlin ka hor waa inaad horta hubisaa hadalku kii munaasibka u ahaa qofka aad la hadlayso  ma yahay?  Xididkii saxda ahaa se maka siinaysaa  si uu daawo ugu noqdo qofka aad la hadlayso.

Bilaabida  hadal ama doodda  ma ahan arrin sahlan.   90%  wax yaalaha dadku ka doodaan ama ka hadlaan ma aha kuwo qiimo weyn leh. waxaa jirta xigmad odhanaysa ” In aad dooda dhexdeeda guulaysato wax lagu taamo ma aha laakiin waxaa wanaagsan in aadan marka hore dooda galin”. Sidaas awgeed iskuday in aad ka dheeraato, doodaha madhalays ka ah inta aad awooddo hana xanaaqin haddii qof hadal kugu qaloociyo. Naftaada ha cadaabin adigoo ku celcelinaya muxuu hebel saas  ii yiri?  muxuu dadka hortooda iigu fadeexeeyay?. “Dabayshu buurta ma gilgisho laakiin dambaska iyo qashinka meelaha yaalla uma daahdo”.

 Haddaba si hadalkeena iyo kulankeenuba u noqdo mid guulaysta waa in aan ilaalinno  kuna dhaqanno qodobada soo socda:

  1. Inta aadan hadalka bilaabin baro qofka aad la hadlayso. Si fiican u fahan nooca uu yahay  ka dibna hadalka u qalma qofkaas oo aad waliba  ka fakartay kula hadal “Hadal aan fiirsi loo dhihin aduu kugu fogaadaa oo feedhahaaga wax yeelaa”. “Inan iyo Abeesaba Afkooday eersadaan”.
  2. Dadka kala hadal waxay garanayaan ama fahmi karaan. Xaddiis ayaa yiraahda “dadka dhiga boosaskooda” macnaha qof kasta ula hadal oo u maamuus si isaga munaasab u ah. Haddii caruur yar yar, tusaale ahaan, oo fasalka lixaad dhigta looga sheekayso  xidhiidhka ka dhaxeeya ninka iyo xaaskiisa iyo sida loo xalliyo hadii khilaaf yimaado ama siyaasadda Maraykanka ee geeska Afrika ku aadan  Caruurtaas maxaa ku dhicikara? maskaxdoodu se maqaadi kartaa mowduucaas iyo macluumaadkaas adiguse qof noocee ah ayaa laguu arki?
  • “Mindiyi meel aan Xubin ahayn ma marto” waa maahmaah soomaaliyeed hadalku xubin buu lee yahay sida neefka marka la qalayo xubinta  mindida loola aado oo si sahal ah loogu jaro si la mid ah ayuu hadalkuna xubin u leeyahay. Waa kii la abwaan Dhoodaan AUN:

Hadalna wayga xaaransanyahay, xigashadiisiiye,

Kolba gabaygu meeshuu xuliyo, maanso xubinteeda,

Markaan helo xasuus muuqateen xaraf ku miisaamo,

Xarriiqiisa waa inaan marshoon didikii raacaaye,

Maantana xaggii uu jiray baan kaaga xaadirine.

 Hadalka xubintiisana waa in la abbaaro, waxaa kaloo fiiro gaara leh goobta aad hadalka laga jeedinayo. Waxaa jirta Xikmad odhanaysa ” Madal walba waxay leedahay odhaah ku haboon, Dhacda walbana waxay leedahay wax ku haboon in laga dhaho”.

  • Kaligii hadalka ku fiicane ha iskadhigin. Dadka qaar ayaa xanuunkan qaba. wuxuu isu haystaa wax walbe ku fiicane, codkar, qof hadalka xalladayn kara oo xaradhaamin kara. Afka ayuu xuruufta ka buuxsadaa  markaasuu sidii riti labiyo toban jir  u doobiyaa. Maba xuma inuu hibada Ilaahyasiiyay ka faa’iidaysto hadday jirto, dadkana uga faa’iideeyo laakiin waxaa dhaliil noqonaysa markuu nimcada Ilaahay si taban u isticmaalo. Dadka kale hadalka uma ogola oo muxuu ugu ogolaan sow kaligii Caaqil ma aha?! muxuu abaajulida wakhti ugu khasaarin. Runtii waa sifo aad uxun waa cudur liita qof  uu ku dhacana in uu dilo ugu filan. Sidaas darted dadka hadalka la qaybso oo tixgali soo jeedintooda.
  •  Hadalka soo koob. Muddo ayaan  macallin ahaa, waxaan la yaabaa macallimiin markay Fasalka kaa hor galaan yacni xiisaddaada kaa horreysa ay leeyihiin  aan fasalka ka soo bixin gambaleel kasta haddii la yeedhiyana aan xaalayn oo dan iyo heella toona ka galin ilaa  aad fasalka soo hor istaagtid mooyee.  xiisaddaada wuu kaacunaya. Su’aashu waxay tahay macallinku afartankii dadiiqo xagee geeyay? Maxaa ku kallifay inuu wakhigiisu ku fillaan waayo? Jawaabtu waa  macallinka oo hadalka ruugaya oo aan soo khulaasayn aqoonin. Waa nimaan maaraynta wakhtiga aqoonin, waxaad arkaysaa marmarka qaar ardaydii intay ku daalaan ayey dhibsanayaan ilaa qaarkkod seexdaan waxay hoosta kaga gunuunucayaan: “ilaahow kan mar nagabixi”. Waxaad kalood marar badan aragtaa siyaasiyiin iyo aqoonyahanno ka qayb galayo doodo oo qaar ka mid ah aysan hadalka joojinayn ilaa lagu jaro waayo waxay gaari la’yihiin barti ay hadalka la rabeen. Hadalku wuxuu u baahan yahay maamulid sida nolosha oo dhanba maamul ugu baahan tahay.
  •  Qofna bartilmaameed ha ka dhigan. Waxyaabaha hadalka ceebta u yeela waxaa ka mid ah inuu hadalku noqdo mid qof gaara lagu weerarayo. Afkaarta ayaa la naqdiyaa oo la weeraraa laakiin ashkhaasta laguma mashquulo. Adoon dadka caayin si gaarana aan u weerarin qof gaara ayaad dantaada gaadhi kartaa. “Malabka cun adoon Shinnida la diririn”. Cibaaraba midda ka wanaagsan isticmaal,  si aad dadka u soo jiidato una saamayso.

Ugu danbayn ogsoonow qiimahaadu wuxuu ku xiranyahay hadba sida aad hadalkaada u maamusho. Akhayaar badan oo aqoon sare iyo xirfado fiican leh waxaa qayrkood ka reebay ama bulshada dhexdeeda tuke canbaar leh ka dhigay carrabkooda aysan u meel dayin.

WQ@ Maxammed Rashaad Muxyaddiin

Kala xariir: saajid4045@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here