FANKA DHAGAYSIGA

0
517

Wali ma aragtay saddex qof oo Soomaali ah oo meel wada fadhida oo sheekaysanaya oo saddexdooduba hal mar ah wada hadlayaan oo inta codkoodii isku darmaday oo qaylo cirka isku shareertay ay meeshiiba buuq noqtay? Soomaali fadhi ku diriraysa oo sheekaysanaysa wali ma u fiirsatay?

Bal dhacdooyinkan ila yara fiiri: 1- Nin baa Masaajid soo galay, wuxuu dhagaystay Wadaad Kitaab akhrinaya wxuu Wadaadkii marayaa “ Geela Sako lagumalaha”…. Intaas ninki markuu maqlay ayuu iska sii dhaqaaqay wuxuuna suuqa galiyay sheekh hebal baa yidhi geela sako laguma laha ee waxba geela sako haka bixinnina. Laakiin sheekhu wuxuu soo waday “ilaa geelu ka gaadhayo shan neef sako laguma laha.

2- Nin baa Gurigiisii yimid, xaaskiisii buu ku yidhi: “Qado isii” waxay tidhi: “maanta qado ma karin…” isna hadalkii ma uu sugine wuxuu yidhi “maxaad Qado noogu karin wayday oo aad Maalin walba gaajada noogu dishaa waan ku furay” laakiin gabadhu waxay soo waday “maanta waa layna casuumay oo halkaas baan qado ku leenahay”.

3- Nin baa Dukaan soo galay, gabadhii joogtay buu ku yiri; “buuggan waa meeqa qiimihiisu”? waxay tidhi: “waa $10”….. ninkii baa hadalkii gabadha ka boobay oo yidhi “aad buu qaali u yahay waxaan arkay dukaan uu ka yahay $5” wuuna sii dhaqaaqay laakiin hadalkii gabadha kama uusan sugine waxay soo wadday “laakiin waan xaraashayaa oo $1 baan ku gadayaa hadda”.

Dhacdooyinkaan oo dhan waxay tusayaan qasaaraha xad dhaafka ah ee adduun iyo aakhiraba qof seejin kara ee ay keento dhagaysi la’aantu. Insaanka Ilaahay wuxuu u yeelay labo dhagood iyo hal carrab. Maxay tahay xikmadda ka dambaysa? Xikmaddu waa in dhagaysigaagu ka bato hadalkaaga.

Dadka qaar ayaa hadalkoodo ka badan yahay dhagaysigooda oo aad u jecel hadalka. Kuwa noocaas oo kale ah muxuu Ilaahay hal Dhag ah iyo laba carrab ugu yeeli waayey si ay hadalka uga dhargaan. Eeebba isagaa og laakiin waxaa jirta in aan hadal laga dhargin!

Dhagaysigu waa Fanni muhiima oo ka mid ah Funuunta cusub ee culuumta horumarinta insaanka ( Human Development). waa kaabe ka mid ah kaabayaasha ugu waa weyn xidhiidhka Bulshada. Ummad aan is dhagaysan, ummad aan erayada dhuuxin dhabtii ma hanaqaado, dhiifooni maskaxeed ma hesho, dhacdooyinkii waayaha ee xun xun kama dheeraato, waanada iyo wacdiga dhag jalaq uma siiso, dharbaaxo quudheed kama dhiidhido waxayna ka dhaga la dahay oo ka dhoohantahay dhagarta nacabka. Aqoonta ma dhaado, horumar u dhaqaaqdo, waxay dhiilaha iyo dhoomaha ka buuxsataa dhunkaal, dhamac, dhugato, dhuxulo naareed, dhiillo, dhawalan, dhaka-faar, kala dhantaalmid, kala dhumid, Dhalanteed been ah, dhaadhaajin dhaqama shisheeye, dheelli socosho iyo isku dhexyaac nololeed.

Fanka dhagaysigu waa sixir xalaal ah. Marka aad qofka kula hadlaya si fiican u dhagaysato qalbigiisa ayaad qafaalanaysaa, maankiisa iyo maskaxdiisa ayuu si fiican kuugu lisayaa. Wuu godlanayaa markaasuu inta si fiican u gaafto gaawaha kuu milaalayaa. Inaad qofka kula hadlaya ama sheekaynaya dhagaysato waxay ka dhigantahay inaad si fiican u xurmaysay. Dadku waxay jecelyihiin in la dhagysto. Saqiir iyo kabiir, nacas iyo naanaab, caaqli iyo caalle, dumar iyo rag, aabbe iyo hooyo, ubad iyo ahal intuba waxay ku raaxaystaan oo u riyaaqaan inaad odhaahdooda dhagysato, ha saxnaato ama ha khaldanaato, faa’iido hakuu lahaato ama faaruq a ha ahaato, waxay naftoodu naalo dareentaa markaad dhagaysato, markaad inta qiimayso hadalkooda dhagta u raariciso.

Haddaadan qofka kula hadlaya dhagaysan waxaa dhaca inta aan kor ku soo sheegnay lidkeeda? Durba ruuxu wuxuu dareemaa inaadan qiimo weyn u haynin. Wuu kaa fogaadaa oo kaa fiigaa. Xidhiidhkii idinka dhexeeyey ayaa waydooba oo wiiqma. Xogtii, xantii iyo xooxdii ku taagnayd baa ku gaagaxda. Intuu kaa qaloodo ayuu kaa daldoorsadaa. Wuxuu raadsadaa qof kale oo u warramo, weheshado, naqaska ku taagana isaga saaro. Haa hadalku waa naqas marka uu kaa soo boxo waad nafistaa oo nasataa naacow baad dareentaa.

Xasuuso qisadii dhexmartay Nabi Muxamad CS iyo Cutbah Ibnu Rabiica. Bilowgii Isalaamka Qurayshu waxay geed gaaban iyo mid dheer ba u fuushay sidii ay diinta u daaduumin la hayd oo ay uunka Ilaahay uga joojin lahayd. Maalinba wax hor leh bay alliftaa, marbay Nabiga weeraraan oo isagoo tukana tunka maldheer ka saaraan, marbay asxaabta soo islaamtay eebo iyo ablay ku gumaadan. Maalin bay ninkii la odhanjiray Cudba Ibnu Rabiica Nabiga CS u soo direen si uu wax uga dhaadhiciyo. Cutba waa aftahan yaqaana hillimada hadalka, Nabiga ayuu u yimid wuxuuna dabuubtiisii gurracnayd ku furfurtay sidan “midnimadanadii baad burburisay, Ilaahyadii aan caabudijirnay baad cayday, caqliganagii baad doqonimo ku sifaysay… Haddaad Madaxtinimo rabto Madax baan kaa dhigaaynaa, haddaad Maal rabto waan ku siinaynaa, haddii waxa ku haya jin iyo sixir iyo balo aadan iska celin karin yahayna waan ku daawaynaynaa…”

Nabigu CS intaas waa uu dhagaysanayaa, u dhagraaricinayaa, xurmaynayaa, hadalka ka sugayaa oo waliba wuxuu ku yidhi markuu hadalka dhameeyay “ma dhamaysay Abuu Waliidow” Kunyada oo Carabtu aad u jeclayd waa (Abuu) ayuu ugu yeedhay xurmo dartee. Nabigu CS ma uusan dhihin saqajaanyahow ma anaa jin iyo sixir i hayaa. lama uusan diririn hadal qalloocana kuma uu san dhihin. Nabigu CS Qur’aan buu akhriyay ilaa Cutbe ku sigtay inuu Islaamo. Bal eeg anshaxa iyo edabta Nabiga CS iyo sida ninkaas gaalka ah ee waliba sida qayru munaasibka ah ula hadlay uu u qaddariyay oo u dhagaysatay oo u xurmeeyay. Wuxuu ahaa hogaamiye dhab ah aabahay iyo hooyaday ba halagu furtee.

Haddaba si aad u noqoto hadal yaqaan fiican, aftahan xubinta hadalka abaari kara waxaad u baahantahay inaad noqoto dhagayste fiican. Waxaa jira xirfado iyo xeelado dhagaysigu u baahanyahay waxaana ka mid ah kuwa hoose:

1- Qofka hadlaya hadalka haka dhexgalin, haka goyn. Waa cillad aad u xun iyo cudur halisa inaad hadalka sugi waydo oo ruuxii oo aan wali hadalka dhammaysan aad la qabsato “hilib baa la wadaagaaye hadal lama wadaago” hadalka dhagaysyso, ha xumaado ha samaado, ha qiimo badnaado ha qalafsanaado, dantaada ha ahaado ama adiga dacwo ha kugu ahaado dhagayso. is bar oo isku dabar waxaad nacayso inaad dhagaysato.

2- Wax kale ha isku mashquulin inta qofku hadlayo. Waxaa dhacda qof baa hadlaya qofka uu la hadlayana taleefan buu ku mashquulsanyahay oo farriin u soo dhacday ayuuba iska akhrisanayaa ama dirayaa ama qof kale ayuu la sheekaysanayaa interned. Ma waxaad garanaysaa xurmo xumo ka badan qof aad sheeko u waddo oo isna taleefan ku mashquulsan?.

3- Qofka kuu sheekaynaya la fal-gal. Qof nool oo dareen leh iska dhig. Mar dhoolacaddee, marna yara qosol, marna layaab muuji, afka marooji, madaxa gundhi inta uu sheekada wado.

4- Waxaa jira saddex meelood oo aan qofka kuu sheekaynaya laga fiirin: B) haddii Qofka uu iin leeyahay ( naafo) yahay xubinta uu la yahay lagama fiiro, tusaale dhagbaa go’an adoo dhagtii aad u fuurinaya ayuu arkay qofkii muxuu dareemayaa? Inuu kuu sii shekeeyo isadaa intuu yaxyaxo ayuu ku dhibsanayaa. T) Madaxa qofka lagama fiiriyo. J) kabaha uu qabo ama cagihiisa lama fiiriyo. Arrimahani waxay keeni karaan qofku inuu baxo oo asagu isku mashquulo ama yaxyax dareemo ama kuba dhibsado xadiiskii Nabiga CS xasuuso: “ qofka Juudaanka qaba Indhaha ha ku taagina”. Meesha ugu fiican ee qofka kuu sheekaynaya laga fiiriyo waa Indhaha.

5- Masaafo fiican u jirso ruuxa kuu sheekaynaya. Sida ugu fiican waa inaad u jirsato 1-1.5 mitir, meel aad si fiican sheekada Qofka codkiisa uga maqlayso neeftiisuna aysan ku soo gaadhaynin ama aan taaduba gaadhaynin. Xasuusnow dadka qaar ayaa shaki qaba oo markaad ku soo dhawaato sii cararaya ama ku dhibsan kara.

Guntii iyo abagabadii Dhagaysigu waa muhiim. Qofba qofka uu dhagaysi fiican yahay wuu ka aqoon fiican yahay, kana hubsiino badan yahay. Ogow haddaad aragto qof dagdagaya oo hadalka boobayo waxaa jira waxa uu la kadaalinayo oo sugidda u diiday. Macnaha xanuun xisi ah ama mid macnawi ah. Ugu yaraan fudayd iyo kaadsiino la’aan. Si aannan ugu sifoobin qof fudud ama dulqaad yar, waa inaynu is dhagaysannaa isku tababarnaa is maqal qofka hadlayana xurmaynaa.

W/Q: maxamed Rashaad Muxyaddiin

kala xariir: saajid4045@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here