Faallo kooban: Khudbaddii Madaxweynaha

0
496

madaxweynaha dalka Jaalle Maxamed cabdullahi Farmaajo ayaa khudbo
siyaabo kala duwan loo fasiray ka jeediyay munaasabad qalin-jabin oo loo qabtay ardayda Jaamacadda Ummadda. Meelaha su’aalaha laga keenay waxaa ka mid ahaa muxuu khudbad siyaasadeed ugu jeediyay arday qalin-jabinayso? Muxuu uga jawaabi waayay codsigii guddoomiyaha jaamacadda ee ahaa in isbitaal tababar loo dhiso jaamacadda? Muxuu ardaydi qalin-jabinaysay shaqooyin iyo cawimaad ugu ballan-qaali waayay? Wuxuu caddaystay xanti ahayd federaalka ayuu baabi’inayaa oo dowlad dhexe kaliya ayuu rabaa! Waxaa isku dayi doonaa inaan su’aalahaan wax ka iraahdo iskuna dayo inaan si caddaalad ah u miisaamo hadalka madaxweynaha.

Muxuu khudbo siyaasadeed ugu jeediyay aradyda?

Su’aashaas maahan mid culus in jawaabteeda la fahmo. Ardayda qalain-jabisay waa mirihii soo go’ay ee joogay waqtigii la cuni lahaa. Waxay diyaar u yihiin heedis iyo meehaah lagu kala sooco halka uu mustaqbalkooda u badan doono. Shirkadaha ganacsiga, xisbiyada siyaasadda iyo xataa kooxaha dagaalka ku jiro waxay isha ku hayaan aradyda soo baxdo si ay qayb uga helaan miraha cosobka ah ee soo go’ay. Madaxweynuhu sida inta kale ayuu doonayaa inuu afkaartiisa iyo aragtidiisa ku tallaasho dhalinta soo baxday.

Tan labaad, maalmaha farxadda oo ay ka mid tahay qalin-jabintu waa waqtiyada ugu fiican ee la jeediyo khudbadaha siyaasadda gaar ahaan kuwa aad rabto inay dadku wada dhagaystaan. Shalay ruux walba waxaa uu daawanayay xafladda sida quruxda badan loo soo agaasimay ee loogu talagalay ardayda. Kuwo badan oo aan waqti galiyeen Jaalle Farmaajo ayaa hadlayo baa shalay waqti siiyay khubadda waayo xafladdi socotay ayuu soo dhexgalay. Isteraatijiyada noocaan ah waa mid caalami ah oo siyaasiyiinta dunidu isticmaalaan.

Muxuu uga Jawaabi waayay codsigii guddoomiyaha jaamacadda?

Guddoomiyaha jaamacadda ayaa khudbadiisi ku daray codsi uu u diray madaxda dowladda. Wuxuu sheegay in jaamacaddu u baahantahay isbitaal ay ardaydu tababbar ku qaataan. Sidoo kale wuxuu sheegay in Talyaanugu diyaar u yahay inuu qalabeeyo haddii isbitaalka la dhiso. Sidaa darteed wuxuu madaxda ka codsaday in isbitaal jaamacadda loo dhiso.

Madaxweynuhu haa iyo maya toona ma oran mana soo qaadin codsigii guddoomiyaha. Aniga waxaa ii muuqato in codsigu meel khaldan ku yimid. Munaasib maahan mashruuc iyo horumarin loo rabo jaamacad in hadal lagu jeediyo. Caadiyan waa inuu jiraa qorshe horumarineed oo jaamacaddu leedahay ugu yaraan shanta sano ee soo socoto. Qorshahaan waa inuu yahay mid qoran oo waqtiyaysan lana yaqaan cidda maalgalinayso iyo meelaha dhaqaale loogu dooni doono.

Taasoo ka dhigan in haddii baahidaasi jirto horay qoraal loogula wadaagay waaxaha dowladda ee ay qusayso. Haddii waaxdi ku shaqo lahayd ay fulin wayday cocdsigi ama kasoo jawaabi wayday waa in la maraa jaranjarada cabashada. Laakiin marnaba sax u muuqan mayso in sidii odayaal madax soo salaantay loo codsado qorsho horumarineed oo ballaaran. Sidoo kale, madaxweynuhu ma ballanqaadi karo dhisidda isbitaalka waayo ma jirto lacag uu isagu leeyahay oo u ku bixin doono, miisaaniyaddi waxbarshadana horay ayaa loo qoondeeyay oo qolo walba waxay lahayd meel loo saaray. Kolley garan maayo waxa uu maanka ku hayay guddoomiyuhu marka uu codsigaas gudbinayay.

Muxuu dhalinyarada qalin-jabisay shaqooyin ugu ballan-qaadi waayay?

Jaamacadda ummadda waxaa leh dowladda. Iyadaa maamusho, maalgaliso kana masuul ah. Sidaas darteed dhalinta soo baxday waxay wax ku barteen si bilaash ah halka kumannaan la mid ah ay qarash farabadan ku bixiyaan waxbarashadooda. Haddii ay dowladdu si gooni ah u shaqaylaysiiso ardayda kasoo baxdo jamacaddeeda waxay isu baddalaysaa shirakad ganacsi oo jaamacad ay shaqaalaheeda ku tababarato furatay. Waa arrin marnaba aan u wanaagsanayn tartanka jaamacadaha iyo horumarinta waxbarashada.

Sidaa darteed ardayda kasoo baxdo Jaamacadda Ummada waxay la midyihiin kuwa kasoo baxa Simmad iyo Banaadir xil gooni ahna kama saarna dowladda shaqaalaysiintooda ee ardayda oo dhan ayaa u baahan shaqo abuur iyo horumarin taasina waxaa lagu heli karaa dagganaasho siyaasadeed iyo amni buuxa oo soo jiita maalgashi ballaaran. Maalaha waa midda uu madaxweynuhu u doorbiday inuu xoogga saaro siyaasadda.

Ma aaminsanyahay federal mase doonayaa dowlad dhexe kaliya?

Qodabkaan waa kan ugu darnaa ee aadka loo wareejiyay. Labo daqiiqo iyo shan iyo soddon seken ayuu kaga hadlay arrinta federaalka. Waxaa uu sharraxay erayo Ingiriis ah, Federal, con-federal iyo loose feredal. Wuxuu si cad u sheegay inuu aaminsanyahay ama yahay mid u janjeera xagga faderalka.

Hasa yeeshee sida uu hadalka u yiri ayaa ahayd mid dadka wereerisay ama sahashay inay dad badan sida ay iyagu rabaan u dhigaan hadalka madaxweynaha. Jaalle Farmaajo wuxuu ku celceliyay inuu doonayo dowlad dhexe oo awood leh, ciidan adag leh, xuddoodaheeda difaacan karta, dunida si sharaf leh kula macaamisho. Marar badan ayuu ku celceliyay jumlada “dolwad dhexe oo awood leh”.

Jumaladaan sida uu u dhigay waa mid loo fasiran karo inuu doonayo in laga taqaluso nidaamka federalka ee dalku qaatay. Hasa ahaatee waxaa uu jeeday inuu yiraahdo waxaan rabnaa dowlad federal ah oo nidaam iyo kala danbayn shaqo leh taasoo dowlad goboleedyaduna qabsadaan shaqada ku aadan ee ku kooban arriamah deekaanka ay maamuulaan, dowladda dhexana ay qabsato shaqadeeda sida ilaalinta xudduudaha, arriamaha dibadda, arriamha lacagta iyo maaliyadda iyadoo uusan jirin maamul goboleed gadowga ku dhaggan.

Inuu sidaas ula jeeday waxaa caddayn u ah hadalkiisa qaybaha danbe. Wuxuu yiri waxaan rabnaa federal aan habacsanayn (loose federal) macnaha aan isgarab yaac ahayn ee qolo walba shaqadeeda u gaarka ah qabsato. Haddii aad si daggan u dhuuxdo waa ay caddahay inuu rabay inuu yiraahdo waxaan rabnaa federal ay dowaladda heer federalka ah awood u yeelato hanashada xuddudaha iyo ilaalinta hantida dadka Soomaaliyeed.

Halka dhibka ka jiro ee aniga ii muuqato waa cillad xagga hadalka madaxweynaha ka haysato iyo inuusan sidoo kale haysan dad aqoon u leh diyaarinta khudbooyinka iyo hadalka uu dhihi lahaa. Madaxda adduunku ma wada aha hadal yaqaan laakiin waxay ku kala tageen adeegsiga dadka xirfadda leh. Madaxweynihii hore ee Maraykanka Buushki yaraa wuxuu ahaa afgarooc aan hadal u dhalan xikmadduna ku yartahay sida ay caddeeyeen gacanyarayaashaasi.

Hasa yeeshee waxay qireen inuu cajiib ku ahaa edeegsiga dadka xirfada u leh meelaha uu ka liito. Wuxuu jeedin jiray khudbooyin cajiib ah oo uusan xaraf ku lahayn. Waxaa jirtay mar uu dood ka qayb galayay oo makrofoon dhiniciisa kale ruux haysto uu hoosta soo gashaday si loo toosiyo marku barriiqdo isagoon la fahmin. Taasi waxay u fududaysay inuu gabi-dhaciisu yaraado waqti dalku galay marxalado adag iyo dagaal qaraar.

Si kooban, tan iyo inti xukunka u qabtay Jaalle Farmaajo khudbad walba ee uu jeediyo waxay dhalisaa dhaliilo badan. Dhaliisha inta badan waxaa keeno doorasho xumo xagga erayada ah iyo habka gudbinta hadalka oo uu dhib ku qabo. Hadal aqoon la’aantu ceeb maahan oo hadalku waa hibo Eeebe cidduu doono siiyo, waxaase la yaab ah inuusan madaxweynuhu cashar ka baran arrintaan soo noqnoqtay. Ma cid la taliso ayuusan haysan? ma isla qummanyahay oo hadal yaqaan laacib ah ayuu isu arkaa? Mise waligiisba dhaliishiisa ma gaarin?

Ibrahim Aden Shire

kala xariir: ishire86@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here