Rooxaan by Shire J Axmed. Q1 (Sheeko taxane ah)

0
436

Sheekadaan waxaa la qoray 1973’di waxaana qoray Allaha u Raxmadee Shire Jaamac Axmed oo ka mid ahaa guddigi qoray farta Soomaaliga.

Guhaad wuxuu ku noolaa Muqdishow. Waalidyadiis wuxuu ka soo kacay, markii uu jirey toban iyo shan sano. Guhaad wuxuu ahaa wiil mar la arko fakara. Wuxuu weydiin jirey aabbihiis waxyaalo badan oo uunan aabbihiis uga jawaabi jirin. Isagu waa inan dheer oo marriin ah. Indhihiisu way madow yihiin, timihiisuna waa yaleex jilicsan. Sankiisa wuxuu uga eg yahay aabbihiis oo wuu toosan yahay. Joogga Guhaad, waa dherer in kastoo uu araxdaaco leeyahay. Markuu soconayo, waxaa la moodaa inuu leeyahay gacmo godgodan.

Guhaad sida wiilasha kale, kama carari jirin fakarkii maskaxdiisa ku soo dhaca. Hindisaha Guhaad wuu fidsanaa. Intuusan iman Muqdishow, wuxuu ku noolaan jirey tuulo. Tuuladaas waxaa lagu magacaabi jirey Gellinsoor. Isagu wuxuu jeclaa markuu yaraa bootinta iyo geeda fuulka iyo dabaasha. Sida wiilasha kale oo asaaggiisa ah, shinbiraha iyo geedaha ma necbayn. Ghuhaad marku cayaarta ka soo noqdo, wuxuu ula imaan jirey aabbihiis weydiimo badan ee ku saabsan dhinaca abuurta; siiba geedaha, dhirta, xoolaha iyo shinbiraha.

Maalin ayuu aabbihiis weydiiyay, «Geeduhu maxay dhulka ugu adag yihiin»? Aabbihiis Samantar ma awoodi karin, inuu uga jawaabo wiilkiisu weydiiyey. Aabbihiis wuu afjigi jirey wiilkiisa oo wuxuu dhihi jirey, <<Ilaah baa naga og wuxuu ula jeeday marku isagu abuuray geedaha iyo dadka>>. Guhaad wuu ka caloolxumaa aabihiis. Isagu wuxuu u maleeyay in aabbihiis uunan jeclayn, hadduu uga jawaabi waayay weydiintiisa.

Maalinti danbe, ayaa Guhaad markii uu ka quustay aabbihiis, ayuu weydiinti ula tagay hooyadiis Xaliimo. Wuxuu ku yiri hooyadiis <<Hooyo!. Maxay geeduhu dhulka ugu adag yihiin?>> Hooyadiis waxay tiri <<Maandhe,..e…ee… aabbahaa weydii weydiintaas, isagaa kitaabbada raacdee. Guhaad ciil buu ugu dhintay aabbihiis iyo hooyadiis. Maalin buu Guhaad u tagay wadaadka aabbihiis kitaabka u raaca.

Shiikh Saalax waxaa uu ahaa wadaad buuran oo madaxa cimaamad ku sita. Reer Samantar ayuu ku jilnaa. Samantar iyo Xaliimana way jeclaayeen Shiikh Saalax. Maxay u jeclaayeen Shiikh Saalax? Maxaa yeelay Shiikh Saalax wuxuu uga sheekayn jiray iyaga dunida iyo asaxaabihii iyo dariiqada Axmadiya iyo siyaaradaha weliyada iyo waxyaale kale oo badan. Intaas kaliya maahee, Shiikh Saalax wuxuu cidda u akhrin jiray Munaaqibka iyo werdiga. Mar la arko Shiikh Saalax wuxuu kilkisha ku wadan jiray kitaabbo dhowr ah. Kitaabbadaas waxaa ka mid ahaa Deyrabiga, Jawaahirul-laamaca iyo Al-yaaquuti.

Intaas waxaa u weheliyay kitaab kale oo sir ah. Tuuladaas Gellinsoor oo dhan dadka joogey, waxay ka biqi jireen Shiikh Saalax. Iyagu waxay dhihi jireen <<Shiikhu wuxuu leeyahay karaamo badan. Isagu waa weli Alla>>. Shiikh Saalax markuu intaas maqlo, ayuu inta qalbiga ka farxo, weji kaduudan ku dhugan jiray dadka. Dadka jirran iyo kuwa dhali waaya iyo kuwa qaaxada qaba, isaga ayaa daawo loogu keeni jiray.

Dadka buka Shiikhu wuxuu u tufi jiray tahaliil, wuxuuna u qori jiray qardhaaso iyo xirsiyo badan. Intaas keliya maa ahee, Shiikhu haddana wuxuu bixin jirey cudurka wadaadda ah, mingiska iyo saarka, ama booranaha. Dadku waxay sheegi jireen, in Shiikhu la hadlo dad aan la arki Karin (rooxaan). Shiikh Saalax wuxuu ku jirey guri weyn oo aqal Soomaali ah. Gurigiisa had iyo goor waxaa ka kari jiray qiiq iyo foox. Shiikh Saalax xaas ayuu lahaa, illowse, xaaskkisu lama degganeyn isaga. Aqal Soomaaliga, Shiikh Saalax ku jirey, gudihiisa waxaa yiillay alaabo qurux badan. Shiikh Saalax, wejigiisu wuu dhaashanaa ma la arko. Maryihiisa iyo tusbixiisa waxaa ka soo kari jiray catar iyo cuud. Shiikhu wuxuu jeclaa xirashada dharka xariirta ah. Cimaamadahiisu waxay ahaayeen cuimaamado yahuudi ah. Macawisahana wuxuu ka xiran jiray shaab-kursida iyo sabar-hindiga. Shaararka Shiikh Saalax waxay u badnaayeen kuwo cad iyo kuwo diillimo lej. Shiikhu wuxuu lahaa dhawr tusbax oo qaarkood leeyihiin midabyo madow oo birbbaraya sida jilbiska iyo haldhaaga. Dhinac kasta haddii loo eego, Shiikh Saalax wuu ka birbirayey. Isaga oo idil wuxuu ahaa nin yaab leh.

La soco qeybta labaad…

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here