Rooxaan by Shire J Axmed. Q2 (sheeko taxane ah).

0
390

Sheekadaan waxaa la qoray 1973’di waxaana qoray Allaha u raxmadee Shire Jaamac Axmed oo ka mid ahaa guddigii qoray farta Soomaaliga.

Guhaad intaas oo dhan wuu ku ogaa Shiikh saalax oo wuxuu u ahaa isagu nin karaamo leh oo Ilaah u dhow. Guhaad wuxuu is yiri <<Alleylahe Shiikh Saalax, ayaa kuu sheegi kara, waxa geeduhu dhulka ugu adag yihiin>>. Guhaad ayaa gurigiisa ugu yimid isaga oo foox iyo luubaan ay ka karayaan. Irridda ayuu ka istaagay gurugii.

Guhaad wuxuu yiyi <<Shiikh Saalax ma joogaa>>?. Xaggee buu jiraa?» Guhaad cod rag ayaa u jawaabay. «Waa isagii oo kula hadlayee soo gall!». Guhaad wuu soo galay. Markuu soo galay, ayuu arkay nin haybad leh oo hortiisa fadhiya. Guhaad wuxuu farii- stay kaadka aqalka. Si miskiinnima ah oo gariir leh, ayuu u weydiiyay Shiikhii weydiintiisii wax badan wareerisey.

Guhaad wuxuu yiri «Shiikh Saalax! adigaa Shiikh karaamo iyo cilmiba lehe, bal iiga baar kitaabbaada wey- diintan. «Maxa….. max… Maxaa geeduhu ugu adag vihiin dhulka?». — Shiikh Saalax marku maqlay hadal- kaas ayuu wareeray. Wuxuu la wareeray in weydiintaas hadda ka hor aan qofna weydiin. Dadku siduu u badan yahay, Shiikha wuxuu wax ka weydiin jirey dhinaca roo- xaanta iyo tahaliisha sida loo tuffo. «….. e….. ee…. ee… e waydiintaad i weydiisay, waa arrin culus!». Waxaa ugu jiawaabay Shiikh Saalax. Guhaad marku maqlay in weydiintiisu ay culusaatay, yuu naxay. «Adeer, Shiikh Saalax!! weydiintaydu maxay ku culusaatay?  Waxaa yiri Guhaad. «…. Um…. u…. arrintaas Ilaah ayaa naga og, wuxuu ulajeeday. Allaahu aclamu wa_ rassuulahu» Intaas ayaa Shiikh Saalax ku daray hadalkiisii. Marka hadalkaas uu leeyahay Shiikh Saalax wejigabax iyo yaxyax ayaa ka muuqdey. «Maandhow weydiimahaas oo kale carruurtu dadka ma weydiiyaan,»  waxaa yiri Shiikh Saalax. Wuxuu wiilkii ka dhaadhiciyey, in dhulka iyo cirka sidii loo uumay ay tahay sir Ilaah oon aadmigu cilmi ku lahayn. Shiikh Saalax wuxuu uga sheekeeyey wiilkii, inay Moqdishow jiraan niman culummo ah oo aad iyo aad dhinae walba uga war haya.

Guhaad wuxuu jecleystay inuu Muqdishow u dhoofo oo uu soo arko culummadaas oo markaas weydiimmo badan uu weydiiyo. Sidaas ayuu maalin maalmaha ka mid ah, kaga soo tegey Gellinsoor. Guhaad wuxuu ku soo dhuuntay baabuur weyn oo xoolaha iyo dadkaba qaadda. Baabuurka gaarigiisa ayuu la galay xoolihii. Hebeynkii oo idil, ayuu baabuurkii la socday isaga oon cidu arkin. Meel dhexe baabuurkii markuu la marayey, ayuu ka soo baxay gaarigii. Digadii ariga iyo kaadidiisii ayuu Guhaad u adkeysan waayay. Shufeerkii baabuurka wadey, ayaa loo sheegay wiil inuu saaran yahay baabuurka. Shufeerkij wuu iska daayey Guhaad markii. uu warsaday meeshuu u jeedey. Guhaad been ayuu u sheegay Shufeerka. Wuxuu u sheegay inuu u socdo aabbihiis oo deg- gan Muqdishow. Shufeerku wuxuu ahaa nin wanaagsan oo wuu iska daayey wiilkii. Sidaas ayuu Guhaad ku yimid Muqdishow.

Muqdishow, waxaa degganaa Guhaad habaryartiis. Habaryartiis waxaa qabey nin dawladda u shaqayn jirey. Habaryartiis waxay ku jirtay daar afar qol ah oo leh musqul iyo barxad. Geelle wuxuu ahaa ninkii habaryartiis qabey. Geelle markii loo sheegay wiilka imaatinkiis, ayuu ku farxay. Geelle wuxuu ahaa nin aad iyo aad u wanaagsan. Imaatinka wiilka waxba kama nixin. Guhaad markuu arkay Muqdishow inay tahay magaalo weyn, ayuu ku farxay. Wuxuu ku arkay Muqdishow daaro dhaadheer iyo baabuurro isdaba maraya iyo nalal kala midab ah. Haddana wuxuu ku arkay magaalada bad weyn oo dadku ku dabaalanayaan. Wuxuu kaloo ku arkay Muqdishow shineemooyin. iyo dukaamo alaabo qurqurxani ay taallo. Habaryartiis Caasha waxay dukaamada uga soo iibisay surwaal iyo shaati iyo kabo. Sidaas ayuu ugu ekaaday Guhaad wiilashii kale. Muqdishow intuu joogay, Isagu waxyaalo badan ayuu bartay, inkastoo uunan iskuul dhigan weli.

Guhaad iskuul inuu dhigto ma uu jecleyn, maxaa yeeley, wuxuu doonayey inuu noqdo Shiikh weyn oo sida Shiikh Saalax oo kale ah. Hal sano intii ah, ayuu dhigaynayey dugsiga. Sannadkaas wuxuu ku dhameeyay jus-camma. Guhaad markaan wax wuu akhrin karaa, wuuna dhigi karaa, illowse ma yaqaanno wuxuu akhriyayo macnahooda. Ardo badan ayuu la dhigan jirey dugsiga. Ardadu waxay fariisan jirtay dhulka. Quraanka waxay ku dhigan jireen looxyo. Khadda wax lagu dhigo, ardadu iyadaa sameysan jirtay. Dugsiga markuu imanayo Guhaad, wuxuu soo xiran jirey macawis, maxaa yeelay macallinku muunan jeclayn ardaygii qaba surweel. Ardada markii macallinku ciqaabayo, ul ayuu la dhici jirey, khadna madaxa ayuu kaga sayr-sayri jirey ardaygii gaf sameeya. Habeynnada qaarkood, Guhaad wuxuu seexan jirey dugsiga. Macallinku wuxuu u dirsan jirey ardadiisa roobdoon. Guriga wuxuu kaloo uga dirsan jirey ardata alaabo. Arbaca la arko, ardadu waxay uga soo uruurin jirtay macallinka lacag xaafadaha. Guhaad maalin ayuu gafey cashar loo dhigay. Maalintaas ayaa macallinkii diley. Maalin dambe, ayaa macallinkii u dirsaday Guhaad gurigiisa inuu uga keeno macawistiisii.

Guhaad wuu soo daahay, maxaa yeelay, jidka ayaa maalintaas baabuurro badani marayeen. Guhaad baabuurrada wuu ka baqaa. Macawistii markuu u keenay macallinkii, ayuu macallinkii carooday oo diley Guhaad. Guhaad usha wuu neceb yahay. Maalintaas macallinku aad iyo aad ayuu u dhaawacay Guhaad. Afar beri intii ah, ayuu Guhaad guri la jiifey dhaawicii uu macallinku u geystey. Dhakhtarku wuxuu faray Guhaad inuunan guriga ka tegin teer iyo intii uu ka fayoobaado. Markii Guhaad fayoobaaday, ayuu iska daayey dugsigii. Sidii dhaawucu uga gaaray Guhaad dugsiga, isagu marna muu jeclaan dugsi dambe. Guhaad wuu jeclaa inuu noqdo wadaad ama Shiikh, illowse, taasi uma ay suurtoobin. Isagu wuxuu iska aadi jirey masaajidyada. Weliba wuxuu jeclaan jirey meelaha fooxu ka karayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here