Rooxaan by Shire J Axmed. Q3 (sheeko taxane ah).

0
316

Sheekadaan waxaa la qoray 1973’di waxaana qoray Allaha u raxmadee Shire Jaamac Axmed oo ka mid ahaa guddigii qoray farta Soomaaliga.

Shan sano markuu joogay Guhaad Muqdishow, ayuu shaqo ka helay. Maalintii Isagu wuxuu ku shaqayn jirey 3 shilin. Makhaayad ayaa habaryartiis ugasoo heshay shuqul. Maqalka ayuu fadhiyi jirey. Ninka makhaayadda lihi si weyn ayuu u aamminsanaa Guhaad. Guhaad marna wax kama xadi jirin ninka makhaayadda leh. Maalin isagoo ku jira shaqo dibedda, ayaa nin makhaayadda wax ka cuni jirey ka xaday maqalka 50 shilin.

Lacagta markii tuuggu xadayey, Guhaad dibedda ayuu ku maqnaa. Wuxuuna moodayey, inuu maqalka si wanaagsan u xiray.. Guhaad markii uu ku soo noqday makhaayaddii, ayuu ogaaday inuunan xirin maqalkii. Markii uu soo dhiftay maqalkii, ayuu arkay inay lacagtii maqan tahay. Wuu naxay markaas oo is ciilkaanbiyey. Guhaad in badan ayuu furuuryihiisa qaniinsanaa. Xaggee buu ka helaa tuuggii lacagta xaday?. Xerada booliiska ayuu soo aaday. Wuxuu u sheegay in lacag 50 shilin ah lagaga xaday makhaayadda. Booliskii waxay ku yiraahdeen <<iska tag, innaka aya dooni donna tuuggiiye>> .

Intaas ayadoo la joogo, ayaa ninkii makhaayadda lahaa yimid. Guhaad wuxuu u sheegay ninkii in lacagtii laga xaday. Ninkii wuu carooday oo ka xumaaday wixii dhacay. <<Nuur! iga raalli ahow, dambi anigu Kuma lihi wixii dhacay. Tuug ayaa naga xaday lacagtii…!!!>> Hadalkaas waxaa yiri Guhaad.

Guhaad maalintaas wuu madoobaaday oo foolxumaaday. Ninka makhaayadda lehi Nuur, wuxuu ahaa nin wanaagsan oo aad iyo aad u jecel wiilka. Waxba uma uunan sheegan ee wuu iska diray. Wuxuu ku yiri Guhaad, <<Makhaayadda mar dambe kama shaqaynaysid ee iga tag!>>. Hadalkaas markii Nuur yiri, ayaa ilmo ku soo joogsatay indhihiisa. <<NUUR… Nuur… Nuur! iga rumeyso, anigu lacagtaadii ma qaadan, waxaa qaatay tuug!>>.

Hadalkaas Guhaad ku hadlay oo runta ahaa, Nuur ma rumaysan mana beenaysan. Nuur markaas wuxuu ka fakarayay lacagtii keliya ee hadalka Guhaad leeyahay kama fakarayn, mana maqlayn. Guhaad markuu ogaaday inaan qofna rumaysanayn, ayuu iska tegay. Wuxuu aaday gurigii habaryartiis. habaryartiis iyo ninkeedu iyaguna aad bay uga xumaadeen hadalkii markii ay maqleen. Ciil darti Guhaad habayno ayuunan seexan jirin. Wax badan ayuu ka fakeri jiray arrintii ka qabsatay makhaayadda iyo sidii uu heli lahaa wadaad Ilaah yaqaan oo runta u sheega Nuur, in lacagta tuug xaday.

La soco qeybta xigta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here