Rooxaan by Shire J Axmed. Q4 (sheeko taxane ah)

0
275

Sheekadaan waxaa la qoray 1973’di waxaana qoray Allaha u raxmadee Shire Jaamac Axmed oo ka mid ahaa guddigii qoray farta Soomaaliga.

[Guhaad] maalin ayuu habaryartiis u yimid. Wuxuu ku yiri <<Habaryar>>. Habaryar Caasho, waxay tiri, <<Heeh>> <<Adiguna ma been buu kula yahay hjadalka aan sheegayo?. Sidaas waxaa yiri Guhaad. Habaryar Caasho, waxay tiri, <<Maandhow Ilaah baa iga yaqaan, umase malaynaayo inaad been sheegayso!>>. Guhaad intaas markuu maqlay, ayaa xoogaa qalbigii u degay, maxaa yeelay, wuxuu moodayay, in habaryartiisna la qabto rayiga dadka moodaya, inuu isagu lacagtii lunsaday oo uu xaday. Habaryartiis, ayaa waxay u sheegtay inay jiraan wadaaddo wax sheega oo wax walba og.

<<Habaryar! wadaadka ugu wax aqoon badani xaggee buu ku jiraa?. Wuxuu warsaday Guhaad habaryartiis. Waxay u sheegtay, inuu dagganyahay wadaad karaamo lehu xaafaddaas Boondheere. Shiikha magaciisa, waxaa la yiraahdaa <<Shiikh Muxsin>>. Guhaad markaas wuxuu haystay lacag 200 oo shilin ah oo uu ka shaqaystay makhaayadda. Boqol shilin ayuu inta jeecka ku soo ritay buu soo aaday xaafadda Boondheere. Dadka ayuu waydiiyay meesha uu ku jiro Shiikh Muxsin.

Meesha uu Shiikh Muxsin ku jiro waxay ahayd caan. Qof waliba wuu yaqiin. Naagaha iyo caruurta iyo duqowda iyo dadka oo dhammi way yaqiinneen xaafadda iyo guriga uu Shiikh Muxsin deggan yahay. Dadku waxay sheegaan in wax walba ay u kashifan yihiin Shiikha. Shiikh Muxsin dadkoo dhammi wuu ka cabsadaa, maxaa yeelay, calaamo ayuu lahaa. Shiikh Muxsin, isna, wuxuu ismoodi jiray in taasi run tahay. Habaynkii haddi guriga loogu yimaado, xiddigaha ayuu daawan jiray.

Shiikh Muxsin wuxuu qabaa labo naagood, caruur wuxuu leeyahay shan gabdhood iyo saddex wiil kuwa kalena way ka dhinteen. Shiikha indhihiisu way xiiran yihiin garkiisuna wuu cillaaman yahay. Ilkaha sare laba fool waa dahab. Hareed weyn ayuu leeyahay Shiikh Muxsin. Shiikh Muxsin dadka in yar ayuu la hadlaa. Isagu ma jecla in afkiisa la arko. Shiikhu dadka hortiisa weligiis Kuma qoslin. Bishimaha Shiikh Muxsin way dhaadheer yihiin. Da’diisu waa ugu dhawaan 40 sano. Wuxuu xirtaa macawis sabarhindi ah iyo jubbad. Wejigiisu mar walba wuu dufansan yahay. Calaacalaha Shiikh Muxsin way cadcad yihiin oo jilicsan yihiin. Kabo saandal ahna, wuuu qabaa. Wejigiisu wuu fidsan yahay oo xaad yar ayuu  leeyahay. Sanqaroorka Shiikh Muxsin wuu dheer yahay. Laba daan oo waaweynna, wuu leeyahay. Markuu soconayo, waxaa la moodaa inuu jiitamayo. Tallaabo ma boobo oo si aayar ah ayuu u socdaa. Haddallada weligiis Kuma degdego. Markuu jawaabayo cabbaar ayuu aammusaa. Markuu hadlayo, waxaad mooddaa in indhihiisu ku dhaafsan yihiin. Markuu dadka rooxaanta uga warramayo, Shiikhu wuxuu ka qaataa lacag badan. Guriga Shiikh Muxsin waa mitirkuubbo laba dabaq ah. Hoos waxaa ku jira minyaradiisa, korna waxaa deggan minweyntiisa.

Minwentiisu waa haweeneey dheer oo cas. Waa duq ku dhow 50 sano. Waagey yarayd Cawrala, way quruxbadneyd. Laf iyo joogba way is le’ekeyd. Wejigeeda waxaa ka muuqdo duuduub iyo carfadyo, ku tusinaya inay silic iyo xakaar wax badan ku noolayd. Cawrala caruurta badi iyadaa dhashay. Wax badan ayay ka masayrsanayd minyarada, illowse, waxay ogaatay hadda inay duqowday oo caruur iyo raaxo aynan u dhimmanayn. Sidaas daraaddeed Cawrala way iska aamustaa. Shiikh Muxsin haddii ay ka carooto wuxuu u sheegaa inuu furi doono, haddaynan masayrka iska deyn.

La soco qaybta xigta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here